Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda oo Shaacisay qatar labaad oo dalka ka jirta marka laga soo tago dhanka Amniga

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Jaamac ayaa ka qeyb galay shirka isbeddelka cimillada Afrika (ACS23) oo ka dhacaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Shirkan oo ay kasoo qeyb galeen madax badan oo ka kala socota adduunka ayaa maalmaha uu socdo looga falanqeyn doonaa cimilada adduunka ee sii xumaanaysa iyo sidii xalal loogu heli karo caqabadaha iyo duruufaha ay sababtay isbedelka cimiladu.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda ayaa sheegay in khatarta labaad ee marka laga soo tago amniga iyo la dagaallanka argagaxisada ay tahay isbedelka cimilada iyo saamaynta ay ku leedahay dalkeenna iyo guud ahaan qaaradda Afrika.

Mudane Saalax Jaamac ayaa maalmaha uu joogo magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya la kulmi doona masuuliyiin iyo madax badan oo kasoo qeyb galay shirkan looga hadlayo arrimaha isbadalka cimilada Afrika.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Shiinaha oo ilaalo ka haya Qalab aan la aqoon oo dul heehaabaya hawada dalkiisa

Caydiid Ali

Xisbiga Sahan oo Walaac ka muujiyay talaabooyin ay qaaday Xukuumadii dhacday

Cabdi Cade

Xagee ku dambeeyay dagaalkii dhexmaray Mahad Salaad & Lafta gareen..?!

admin
Taboola Ads ---