Allbanaadir.com
NEWS

Booliska Ugandha oo fashiliyey qaraxyo ku wajahnaa caasimada Kampala

Booliska Uganda ayaa sheegay inay xireen shan qof ka dib markii ay ka heleen agagaarka caasimadda Kampala walxaha qarxa, kuwaasoo lala xiriirinayo kooxo Islaamiyiin ah, sida ay sheegeen ciidamada.

Kooxdan oo la yiraahdo  Allied Democratic Forces (ADF) ayuu saldhigoodu yahay kaymaha bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo waxayna sheegaan inay daacad u yihiin Kooxda Dawladda Islaamiga ah, iyagoo weeraro dad rayid ah ku dhinteen ka geystay bartilmaameedyo militari oo ku yaal Congo iyo Uganda labadaba.

Maamulka Uganda ayaa xiray tuhmane koowaad oo bam ku watay bannaanka kaniisad la soo buuxiyay Axaddii, taasoo dhalisay ugaarsi horseeday in shan kale la xiro, lagana soo saaro shan kale oo walxaha qarxa ah, sida ay booliisku sheegeen.

Bambaanooyinka ayaa si nabad ah loo qarxiyay, waxaana la helay alaabo ay ka mid yihiin masaamiir, baytari iyo budo, sida ay booliisku ku sheegeen hadal uu soo saaray galinkii dambe ee Isniintii.

“Xaalado khatar ah ayaa weli jira, xafladaha iyo goobaha cibaadada shay kasta oo laga shakiyo waa in la baaraa, dhaqdhaqaaq ama dhaqan aan caadi ahayn,” ayuu yiri boolisku.

Weerarada lagu eedeeyay ADF iyo Daacish ayaa waxaa ka mid ah xasuuq loo geystay 42 qof oo u badnaa arday bishii June ee sanadkan, iyo weeraro ismiidaamin ah oo dhacay 2021 kuwaasoo ay ku dhinteen 7 qof.

Related posts

Guurka gabdhaha aan qaan gaarin hoos u dhaay iyo sababta ka dambeysa

Cabdi Cade

Prof. Saciid Ciise: “Isbedel la sameeyo waxaa ugu horeeya wax ka bedelka dastuurka”

Caydiid Ali

(Sawirro) Rooble oo labo qodob kala hadlay Guddiga Doorashada Heer Federaal

Caydiid Ali
Taboola Ads ---