Ciidamada Israa’iil ayaa dilay dagaalyahan Falastiini ah intii lagu guda jiray weerar ay ciidanku ka fuliyeen Daanta Galbeed sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka Falastiin.
Dhacdo kale dhulka la haysto nin Falastiini ah ayaa rasaas ku furay askarta Israa’iil, isagoo dhaawacay hal askari ka hor inta aan la toogan oo la dilin.
Weerarkii subaxnimadii hore ee militariga ay ku qaadeen xerada qaxootiga ee Nuur Shams oo u dhaw magaalada Tulkarem ee daanta galbeed ee waqooyiga daanta galbeed Talaadadii shalay ayaa sababtay in ay is rasaaseyn dhex marto ciidamada Israel iyo Maleeshiyaad Falastiini ah. Ciidanka ayaa sheegay in ciidamadu heleen oo ay burburiyeen bakhaar walxaha qarxa lagu keydiyey. Dadka deegaanka ayaa wadaagay muuqaalo cagaf-cagafyo ah oo jeex-jeexay dhammaan daamurkii yaallay waddada weyn ee xerada.
Ciidanka ayaa sidoo kale sheegay in askarta ay weerar kala kulmeen dabley hubeysan, kadibna ay rasaas ku fureen dad Falastiiniyiin ah oo sidoo kale gubayay taayaro, sidoo kalena tuurayay walxaha qarxa.
Wasaaradda Caafimaadka ee Falastiin ayaa ninka la dilay ku sheegtay in lagu magacaabi jiray Ayed Abu Harb oo 21 jir ah, waxayna sheegtay inuu u dhintay dhaawac ka soo gaaray rasaasta madaxa. Kooxda Falastiiniyiinta ee Islamic Jihad ayaa markii dambe sheegtay in Abu Harb uu xubin ka yahay.
Wax yar ka dib markii weerar lagu qaaday dhismo la sheegay in ay ku shirayeen dadka Yuhuuda ah, ciidamada ammaanka Israa’iil ayaa u diray deegaanka u dhow Route 90, oo ah jidka halbowlaha u ah dooxada Urdun, waxay ku arkeen nin Falastiini ah oo hubaysan, kaas oo ay sheegeen in uu rasaas ku furay oo uu dhaawacay askari.
Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in ciidamadu ay toogteen ninka la sheegay inuu falastiiniyiinta ahaa. Wasaaradda caafimaadka Falastiin ayaa sheegtay in falastiiniyiinta la dilay iyadoo aan la sheegin cidda uu yahay.
Weerarada ka dhanka ah Falastiiniyiinta ee ka dhanka ah Israa’iiliyiinta ayaa sare u kacay iyadoo militariga Israa’iil ay xoojiyeen howlgallada lagu xirayo Daanta Galbeed. In ka badan 30 qof ayaa lagu dilay weerarrada Falastiiniyiinta ee ka dhanka ah Israa’iiliyiinta tan iyo bilowgii 2023-kii.
In ka badan 180 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay rabshadaha, iyadoo ku dhawaad kala bar dadkaasi ay xiriir la leeyihiin kooxaha u dagaalama xoriyada Falastiin, sida lagu sheegay tiro koob ay sameysay wakaaladda Wararka ee AP.
Israa’iil waxay sheegtay in dadka dhintay ay u badan yihiin maleeshiyaad, balse dhallinyaro dhagax-tuuraysay oo ka gadoodsan duullaannada iyo sidoo kale dad aan ku lug lahayn iska-horimaadyada ayaa iyaguna dhintay.