Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlada Mareykanka oo Malaayiin Dollar ku taageertay ciidanka Xoogga dalka

Mareykanka ayaa Malaayiin Dollar ku wareejisay Sanduuqa Taageerada Q/Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) si loogu xoojiyo dagaalka Al-Shabaab.

Lacagtaan ayaa lagu maalgelin doonaa gaadiidka, daadgureynta iyo daawaynta Ciidamada Ammaanka Soomaaliya iyadoo la raacayo waajibaadka UNSOS.

“Waa muhiim in ciidamada ammaanka ee Soomaaliya iyo kuwa ATMIS ay helaan taageerada saadka ee xooggan ee loo baahan yahay si looga adkaado al-Shabaab goobaha dagaalka,” ayuu yiri Shane Dixon, oo ah Sii-hayaha Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho.

“Waan ku hanweynahay inaan taageerno UNSOS, oo ah saaxiibka muhiimka ah ee Mareykanka iyo Soomaaliya hadafkeenna aan wadaagno ee horumarinta nabadda.”

UNSOS waxaa hadda loo igmaday in ay taageerto 15,900 oo ka tirsan Ciidanka Amniga Soomaaliyeed marka loo eego baahiyaha saadka ee gaarka ah.

“Tabarucdani waxay ku soo beegantay waqti ku habboon waxayna si togan u saamayn doontaa hawlaheenna ku aaddan bixinta taageerada saadka ee degdegga ah ee Ciidamada Ammaanka Soomaaliya.

Taageeradaan waxaa mid waajib ku ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxaana mudnaanta fulinta taageeradan dejisay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya,” ayay tiri Aisa Kirabo Kacyira, Madaxa UNSOS.

 

Related posts

Ciidamada India & Pakistan oo isweydaarsaday madaafiic ay shacab ku dhinteen

Caydiid Ali

Shaqaalaha rayidka dowlada Somalia oo beri la fasaxay iyo Sababta ka dambeysa

Caydiid Ali

Ciidamada PSF oo gadooday, kana baxay aagaga dagaalka Al-Shabaab

Caydiid Ali
Taboola Ads ---