Allbanaadir.com
NEWS

Marwada Koowaad ee Mareykanka Jill Biden oo laga helay xanuun halis ah

Aqalka Cad ayaa Isniintii sheegay in marwada koowaad Jill Biden in laga helay cudurka COVID-19.

Qoraal ka soo baxay aqalka cad ayaa lagu sheegay, in markii laga helay marwada koowaad xanuunka COVID-19, in baadhis lagu sameeyey madaxweyne Biden, hase ahaatee aan isaga laga helin xanuunka.

Aqalka Cad ayaa sheegay inay si dhow ula socon doonaan xaaladda caafimaad ee madaxweynaha, iyada oo si joogto ah toddobaadkan loo baadhi doono.

Madaxweyne Biden ayaa xanuunka COVID-19 laga helay bishii July ee sannadkii 2022, hase ahaatee xilligaas wuxuu dareemay oo keliya, calaamado kooban, sida uu sheegay aqalka caddi.

Xilligaas madaxweynaha oo qaatay labadii tallaal, iyo weliba tallaaladii xoojinta ahaa, ayaa haddana markale la siiyey tallaal kale oo ka hortag ah.

Mar kale ayaase madaxweyne Biden laga helay xanuunka COVID toddobaad gudihii oo ku beegnayd, July 30-keedii, 2022.

 

Related posts

Marwada 1-aad ee dalka oo ka qeyb gashay Shir ka dhacay Turkiga (Sawirro)

Cabdi Cade

Al Shabaab oo saakay Madaafiic ku garaacday Xerada Milatari ee Turkiga ka fureen Muqdisho

Cabdi Cade

Xeer-nidaamiyaha sharciga shirkadaha Soomaaliya oo la saxiixay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---