Allbanaadir.com
NEWS

Qarax Ismiidaamin goordhaw ka dhacay Maxaas uu joogo madaxweyne Xasan Sheekh

Wararka aan ka heleyno degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in goordhaw qarax aad u xoogan jugtiisa laga maqlay qeybo kamid ah Maxaas, waxaana qaraxaasi la sheegay in uu ka dhacay koontarool magaalada laga soo galo.

Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxay oo kusoo jeeday degmada Maxaas ayaa lagu qarxiyay bannaanka magaalada, waxaana la sheegay gaarigaasi in ay fashiliyeen oo qarxiyeen ciidamada Itoobiya iyo ammaanka  ee ku sugan bannaanka Maxaas.

Inta la xaqiijiyay qaraxa waxaa ku dhinaty ninkii waday gaariga waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, lamana soo sheegin khasaaro qaraxa kasoo gaaray ciidamada Macawuusleyda iyo kuwa kale ee ammaanka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxcamuud ayaa xilliga qaraxadhacayay ku sugnaa xero ciidanka dowladda leeyihiin, waxa uuna halkaasi kula hadlayay ciidankii goobta joogay, isagoona sii watay hadalkiisa xilli uu dhacay qaraxa xooggan.

Xasan Sheekh oo maalintii saddexaad ku sugan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, ayaa halkaasi ka wadaan kulamo siyaasadeed iyo sidoo kale abaabul dagaal oo ka dhan ah kooxda Al Shabaab.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Tarsan “Baarlamaanka shaqadii loo doortay ma hayo ganacsi Siyaasadeed ayuu ku jiraa”

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo cafis u fidiyay Jen Jimcaale Takar wadahadalna ugu baaqay Mucaaradka

Cabdi Cade

Daawo:-Baarista Maydka Cali Khaliif oon laga jawaabin & Ciidamo kale loo soo dirayo Somalia

admin
Taboola Ads ---