Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirka Gaashaandhigga oo lagu eedeeyay in Masuul ka ahaa Weeraro askar badan lagu laayay

Madaxweynihii hore ee maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare , haddana ah ergayga gaarka ee arrimaha xasilinta u qaabilsan madaxweyne Xasan Sheekh ayaa eedeymo cul culus u jeediyay wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya.

Wareysi uu bixiyay madaxweyne hore Waare ayuu uga hadlay arrimo dhowr ah ay kamid yihiin dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab, waxa uuna sheegay in dagaalkaasi fashilinayaan siyaasiyiinta beesha  Hawiye oo diidan in uu guuleesto Xasan Sheekh.

Waare ayaa ku eedeeyay Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) in uu yahay ninka ugu weyn ee fashilinaya howlgalka la doonayo in kooxda Al Shabaab looga xureeyo Galmudug iyo Hirshabelle.

Waxa uu sidoo kale ku eedeeyay wasiirka falal danbiyeedyo culus oo ay ka mid yihiin in ku lug lahaa weerarkii Galcad ee bilowgii sannadkan lagu diley ciidamo badan oo ka tirsanaa Danab, kuwaas oo uu ka mid yahay taliye kuxigeenkii ciidanka Danab Xasan Tuure.

Madaxweynihii hore ee Hirshabelle ayaa sidoo kale ku eedeeyay wasiirka gaashaandhigga guuldaradii iyo khasaarihii ciidanka kasoo gaaray weerarkii Cowsweyne, waxa uuna tilmaamay ammaro khaldan uu wasiirku bixiyay ka dhasheen dhibaatooyin badan.

Wareysiga ayuu sidoo kale Waare ku sheegay in wasiirka lacago badan ku bixiyo fishilinta howlgalka uuna lacag u qeybiyo saraakiisha furumaha dagaalka joogta, waxa uuna xusay in uu hayo cadeymo badan oo ku aadan wasiirka iyo doorkiisa fashilinta howlgalka.

Madaxweynihii hore ee Hirshabelle ayaa wareysiga uiu bixiyay sidoo kale sheegay in xubno badan oo kamid ah saaxiibada madaxweyne Xasan Sheekh xilalna ka haya dowladda in fashilinayaan siyaasadiisa la dagaallanka kooxda Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Masar oo isaga baxday Wadahadaladii Wabiga Niil iyo Sudan oo hanjabaad jeedisay

Cabdi Cade

Dibad-baxyo rabshado wata oo ka socda Nairobi kadib qorshe ay soo jeedisay dowladda

Cabdi Cade

Masuuliyiinta Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyed oo su’aalo la weydiiyey (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---