Allbanaadir.com
NEWS

Ammar kasoo baxay dowladda oo sababay in hakad la galiyo Alaabihii diyaaradaha qaadi jireen

Wararka aan ka heleyno gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in muran xooggan uu ka taagan yahay ammar cusub oo dhawwaan kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Dowladda ayaa la sheegay in diyaaradaha qaada alaabaha cargo-ga ay kusoo rogtay bixinta lacag dheeraad ah, waxa ayna taasi sababtay in shirkadaha diyaaradaha ka biyo diidaan ayna hakad galiyaan alaabihii cargo-ga ay diyaaradaha qaadi jireen.

Sida aan xogta ku helnay dowladda Soomaaliya ayaa kusoo rogtay canshuur ah in halkii kiilo ay ka dooneyso lacag dhan $1, taasoo ay ka biyo diideen shirkadaha arrimahaasi ka shaqeeya una sheegeen dowladda in ay ku adag tahay.

Shirkadaha diyaaradaha ayaana la sheegay in Sabtidii ilaa hadda hakad galiyeen qaadista alaabaha cargo-ga ay u qaadi jireen hayádaha, dowladda iyo sidoo kale maamul goboleedyada dalka ka jira qaarkood.

Dowladda Soomaaliya oo wada dakhli kordhin ayaa fursad weyn ka dhax aragtay alaabaha cargo-ga ah, waxa ayna kusoo rogtay in lacag dheeraad ah laga qaado shirkadaha diyaaradaha ee qaada alaabahaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasaaradda Arrimaha dibadda Somalia oo ka hadashay hadalkii Madaxweyne Trump

Caydiid Ali

Colaada u dhaxeysa Soomaalida iyo Canfarta Itoobiya oo ku fiday dalka Jabuuti

Cabdi Cade

Fahad Yaasiin iyo Cabdiraxmaan Dheere oo ka baxay Muqdisho iyo Xog ku aadan halka ay aadeen

Cabdi Cade
Taboola Ads ---