Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda Kenya oo dib ula wareegtay saddex Jasiiradood oo sharci darro looga heestay

Dowladda Kenya ayaa shaacisay in ay dib ula soo wareegtay saddex jasiiradood oo si sharci darro ah looga heestay, waxa ayna dowladda hadda ku howlan tahay sidii ay usoo ceshan laheyd jasiirad kale oo wali gacanteeda ka maqan.

War kasoo baxay hayƔdda la dagaallanka musuq-maasuqa ee dalka Kenya ayaa lagu shaaciyay in gacantooda kusoo laabatay dowladda saddex jasiiradood oo ka maqnaa, waxaana jasiiradahaasi heestay oo laga soo celiyay saddex qofood.

Afhayeenka Hayā€™adda la dagaallanka musuq-maasuqa ee dalka Kenya Eric Ngumbi ayaa warbaahinta u sheegay in hadda ku howlan yihiin sidii gacanta dowladda loogu soo celin lahaa jasiirad afaraad, waxa uuna xusay in ninka heesta uu diiday in uu soo celiyo.

Afarta jasiiradood ee dowladda Kenya hadda saddex kamid ah dib usoo ceshatay ayaa qiimahooda lagu sheegay in ay dhan yihiin 305 milyan oo shilinka Kenya ahĀ  una dhiganta ($2 milyan oo doolar).

Jasiiradahan ayaa loo qoondeeyey inay noqdaan meel la ilaaliyo oo hoos timaada kaydka badda ee Kisite Mpunguni sannadkii 1978. Ilaa wakhtigaas, waxay si sharci ah uga tirsan yihiin adeegga Duur-joogta Kenya (KWS).

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

SSC Khaatumo oo ka digtay talaabo ay damacsan yihiin Somaliland & Itoobiya

Caydiid Ali

Magaalo caan ah oo laga dareemayo kuleylkii ugu xumaa muddo 80 sano ah (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Qatar oo Halis cusub galisay Nolosha Dhalinyaradii Soomaaliyeed ee loo qaaday Eritrea !

Cabdi Cade
Taboola Ads ---