Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay Geerida Fannaan Axmed Naaji Sacad

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyska, qaraabada, bahda fanka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay abwaankii iyo fannaankii Soomaaliyeed ee Marxuum Axmed Naaji Sacad.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Marxuumku uu kaalin weyn uga jiray fanka Soomaaliyeed, isaga oo doorweyn ka qaatay sare u qaadida fanka, suugaanta iyo dhaqanka Soomaaliyeed oo uu ka mid ahaa tiirarkiisa.

“Innaa lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum Axmed Naaji Sacad oo magac iyo miisaan ku dhex lahaa bahda fanka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.”

Madaxweynaha Jamhuuriyaddua Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud  waxa uu Alle u weydiiyey marxuumka in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, dambigiisana uu ka cafiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Wasiirada A/dibeda Midowga Afrika oo ku shirsan Nairobi & Somalia oo..

Caydiid Ali

Axmed Madoobe oo cadeeyay Sababta Keentay in uusan furmin Shirkii Muqdisho u yimaadeen

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo mar kale loo doortay Madaxweynaha cusub ee Jubbaland

Cabdi Cade
Taboola Ads ---