Qatar ayaa ku dhawaaqday inay martigelin doonto Koobka Kubadda Kolayga Adduunka ee FIBA 2027
Xiriirka Kubadda Koleyga Qatar (QBF) ayaa la guddoonsiiyay xuquuqaha martigelinta Koobka Kubadda Koleyga Adduunka ee FIBA 2027, iyadoo dhammaan ciyaaraha tartankan qiimaha badan lagu ciyaari doono magaalada Dooxa.
Markii ay go’aankan gaareen ka dib Golaha Dhexe ee FIBA waxay sheegeen la dhacsan yihiin dalabka iyo gaar ahaan adeegyada ku xeeran dabeecadda juqraafiyeed ee Qatar, dabacsanaan gaar ah oo leh jadwalka goobta tartanka si ay si wanagsan ugu adeegaan taageerayaasha.
Mid ka mid ah meelaha ugu wanagsan ee la aado caalamka, waa caasimadda Qatar ee Dooxa, waxay leedahay duulimaadyo toos ah oo ka yimaada inta badan dalalka laga yaabo inay ka qayb galaan tartanka, halka tareenada iyo gaadiidka dadwaynaha ee dhawaan la cusboonaysiiyay ay isku xiraan dhammaan goobaha, kuwaasoo bixiya adeeg heer sare ah dhammaan dadka soo booqda. .
Iyadoo dhammaan kooxaha ay ku ciyaarayaan isku magaalo, taageerayaashu waxay sii qorsheyn karaan wax walba oo hore waxayna ku raaxaysan karaan waayo-aragnimo gaar ah maadaama dhammaan goobuhu ay isku jiraan meelo loo kala socdo ugu badnaan 30 daqiiqo.
Qatar ayaa sanadkii hore 2022 marti gelisay koobka kubada cagta aduunka kaasoo qiimeyn ay sameysay FIFA lagu tilmaamay kii ugu fiicnaa, marka la eego taariikhda koobka Aduunka.