Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Sidee RW Xamse Barre iyo wafdigiisa loogu soo dhoweeyey Doha? (Dawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo wafdigii balaarnaa ee uu hoggaaminayay ayaa si diirran galabta loogu soo dhaweeyay magaalada Doha ee dalka Qatar.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo casuumaad ka helay dhiggiisa Qatar, Shiikh Maxamed Bin Cabdiraxmaan Al-Thaani ayaa isaga iyo wafdigiisa waxa booqasho 3 maalmood oo rasmi ah ay ku joogi doonaan dalkan Qatar, isaga oo kala hadli doona madaxda Qatar xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Qatar.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka mid ah Wasiirrada Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Abshir Cumar Jaamac Huruuse, Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige, Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Axmed Shiikh Doodishe, Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Faarax Shiikh Cabdulqaadir iyo masuuliyiin kale.

Dowladda Qatar waxay kaalin weyn ka qaadataa dib u dhiska dalkeena Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, amniga iyo arrimaha bini’aadanimada.

Related posts

Axmed Madoobe oo ka hadlay saraakiishii NISA ee shalay laga soo celiyey Kismaayo

Caydiid Ali

Dowladda oo Baaq deg deg ah u dirtay Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku go’doonsan Ukraine

Cabdi Cade

Dhul-gariir dad badan ku dhinteen oo ku dhuftay dalka Marocco

Cabdi Cade
Taboola Ads ---