Allbanaadir.com
NEWS

Muxuu yahay sharciga ay ansixiyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka BFS? (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay Kalfadhiga 3-aad kulankiisa 23-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ajandaha kulanka oo ahaa akhrinta 2-aad ee Hindise Sharciyeedka Qaxootiga iyo Magangaliyo-doonka iyo u codeynta Hindise Sharciyeedka Howlgabka iyo Liiltirka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda. Tirada Xildhibaannada soo xaadirtay oo ahaa 141 Xildhibaan, waxaa haa u codeysay 139, wax diiday ma jiraan, waxaana ka aamustay labo Xildhibaan.

Dhanka kale Xildhibaannadda Golaha Shacabka ayaa mariyay akhrinta 2-aad Hindise Sharciyeedka Qaxootiga iyo Magangaliyo-doonka. Xildhibaannada ayaa ka dooday sida uu muhiim ugu yahay dalka inuu qaabilo dadka ka soo haajiray wadamadooda sidii ay xuquuq u heli lahaayeen, kuwaas oo ka yimaada wadamada colaaduhu ka jirto.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo kulanka soo xiray ayaa Guddiga Arrimaha Gudaha ee Golaha Shacabka faray in ay talooyinka iyo soo jeedinta xildhibaanada kusoo daraan isla-markaana ku soo celiyaan Golaha.

Related posts

Sargaal katirsanaa Al Shabaab oo isku soo dhiibay ciidanka dowlada Soomaaliya

Cabdi Cade

Xaaf ma dhismaha Galmudug ayuu ka shaqeynayaa mise dan gaar ah (Warbixin)

Caydiid Ali

Shirkada Kenya Airways oo bilaabeysa Duulimaadyada tooska ee Muqdisho iyo Nairobi

Cabdi Cade