Dalka Wadajirkiisa Dhuleed Waxaa Isku Haya Rabitaanka Xoogan ee Wadajirka Difaaca Guud
Midnimada wadajirka ciidanka guud ee dowladda oo ka kala imaada qeybaha kala duwan ee bulshooyinka Soomaaliyeed ayaa wuxuu difaac guud u yahay isku haynta dadka, dalka, iyo dowladda, wuxuuna yahay bartilmaameedka kowaad ee cadowga gudaha iyo kan dibeda ay si wadajira ugu wada mideysan yihiin sida ay u doonayaan iney ku burburiyaan jiritaanka qaranimada ummaddeed oo ay astaanta u tahay jiritaanka dowlad Soomaaliyeed oo ismaamulkeeda u madaxbanaan, waxaana ciidanka oo ah astaan qaran uusan noqon karin mid lagu furo dagaal siyaasadeed oo loogu adeegsanayo in lagu burburiyo jiritaankiisa si madaxda mucaaradka iyo kuwa muxaafadka ay ugu noqoto goob dagaal oo danahooda isdiidan ay ugu kala aargutaan.
Kalsoonida ciidanka waxaa xoojiya rabitaankooda ku dhisan iney niyad xoogan ku dagaalamaan oo naftooda ay geliyaan kalsooni ku dhisan dhiranaan leh niyad bira, waxaana xaqiiqa niyada adag iney tahay hubka ugu qatarsan ee lagu galo goobaha dagaalka, waxaana tusmo u ah in dalal iyo kooxo tabardaran ay dagaalka uga guuleystaan wadamo aad u xoog badan, sida dagaalkii Vietnam (1965-1975) oo lagu jebshey Mareykanka, dagaalkii ISIS (2011-2014) oo lagu jebshey ciidamada Ciraq iyo Mareykanka, dagaalkii Afghanistan (2009-2022) oo lagu jebshey ciidanka Afghanistaan iyo Mareykanka, dagaalka Yemen (2015 oo socda ilaa iyo hadda) oo Xuutiyiintu ku jebsheen ciidanka Yemen, Emirates, iyo Sacuudiga.
Inkastoo goobaha dagaalka ay kaalin weyn ka qaataan tirada iyo tayada qalabka ciidanka iyo adeegsiga farsamooyinka tiknolajiyada cusub, iyo qorshooyinka lagu dejinayo istratejiyooyinka dagaalka lagu gelayo, ayaa haddana waxey tahay in la fahmo in qiimaha ugu weyn dagaalgelinta ciidanka inuu yahay mid salka ku haya in ciidanku si nafti huranimo leh uu diyaar ugu yahay go’aan qaadashada ay rabitaanka niyadooda ay ka go’an tahay iney dagaalamaan oo ay dagaalka sii wadaan xataa haddii ay la kulmaan caqabado dabeeciya oo ay si lama filaana ula kulmaan iyo kuwo ka dhasha waxyeelo dagaal oo ay kula kulmaan qasaarooyin dhimasho iyo dhaawacyo fara badan, waxaana guusha dagaalka ka mida inaad aqbashid jabka aad kala kulanto goobaha dagaalka si aad rogaalcelin ugu gaartid guusha kama dambeysta ah.
Xeeladaha dagaal ee loo adeegsado in cadowga lagu jebiyo waxaa ugu weyn in niyada laga dilo, islamarkaasna ciidankaaga niyadiisa la xoojiyo, waxeyna niyadjabka cadowgu keenta ineysan niyad xoogan ku dagaalamin oo waxey qalbi-jiisnimadu ku dhalisaa ciidanka cadowga iney shaki geliyaan qadiyada ay u dagaalamayaan, iney si naflacaariya u dagaalamaan, iney ka baxsadaan goobaha dagaalka, iney isdhiibaan, iney sameeyaan amar diidooyin, iyo iney dagaalka dabadheereeyaan si dhaqaale ahaan ay u suurtoobi weyso in la gaari waayo hadafyada yoolalka dagaalka, taas oo ugu dambeysta keenta in la wajaho guuldaro dagaal oo fashil ku keenta xeeladaha istratejiyooyinka dagaal, waxeyna taas ay sabab u noqotaa in dagaalku joogsado oo cadawgu isaga baxaan dagaalka.
Dowladda Soomaaliya waxaa looga baahan yahay ineysan yareysan marka ay dalka gelineyso dagaal, waxaana haboon iney ku soo dagaal gasho adeegsiga ay ku hubineyso kalsoonida ay ku qabto niyada xoogan ee ciidankeeda ay ku dagaalamayaan niyad bira, taas oo ah furaha guusha looga soo helo goobaha dagaalka, waxaana taas wehlisa in istratejiyada dagaal gelintaada ay fahamsan tahay meelaha ay ka liidato niyadxumida cadawga oo isbedelada ku imanaya loo baahan yahay in qorsheynteeda si joogto ah indhaha loogu hayo, waxaana dadaaladaas ka miro dhalin kara dib u hawlgelinta halgameyaashii ciidanka hawlgabka ah oo u soo dagaalamay dalka, kuwaas oo waayoaragnimo durugsan u leh xaaladaha adag oo ka jira goobaha dagaalka, waxaana lagama maarmaan ah in madaxda dowladda ay adeegsato dhamaan awoodaheeda qaran oo saameynaya wadaniyiinta, warbaahinta, saraakiisha xeeladaha durugsan dagaalka u leh, iyo saaxiibada shisheeye.
Ma jirto dagaal aan jabkiisa wadan, waxaana madaxda dowladda looga baahan yahay iney ka go’an tahay rabitaanka ah in la dagaalamo, taas oo u baahan in la wadi karo joogteynta dagaalka oo loo dhabar adeygo halista ay leedahay waxyeelada ka dhalaneysa dagaalka oo u baahan nafhurnimo siyaasadeed iyo mid maaliyadeed oo kalifeysa iney meesha ka saarto qaladaadka keeni kara in dagaalka la joojiyo ama laga soo baxo goobaha dagaalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin saxida dhibaatooyinka sahayda iyo saanada ciidanka, dayactirka qalabka ciidanka, iyo adeegsiga farsamooyinka cusub oo circa kala hawlgelaya ciidanka, haddana islamarkaas niyadjabka ku beeraya argagixinta cadowga.
Dagaalka lagula jiro cadawga gudaha waxaa ka adag niyadda ciidanka isku kalsoon, balse waxaa jira siyaasiyiin iska indhotiraya waxa jira oo ku daba gambanaya danaha shisheeyaha kalkaalinaya cadawga oo iyaga u tusaya in dagaalkaas oo lagu guuldareysto uu iyaga u yahay fursad ay dib ugu soo noqon karaan xukunka dalka iyagoo heshiis dowlad-wadaaga la gelaya xagjiriinta, balse uu yahay qorshaha shisheeyuhu inuu ka shaqeynayo sidii ay xagjiriintu si buuxda ula wareegi lahayeen xukunka dalka, waxeyna tilaabadaas ay daadka wada qaadsiineysaa dhamaan dadaaladii loogu jirey oo ahayd in Soomaaliya ay noqoto dal madaxbanaan oo ka xora fikradaha xagjiriinta ee ku dhisan kelitalisnimo koox diimeed.
Ficilada shisheeyaha waxey tahay iney Soomaaliya ku dheereeyaan dagaalka ay kula jirto xagjiriinta oo siyaasad ahaan, ciidan ahaan, iyo dhaqaale ahaan ku qasbaysa iney markasta ku tiirsanaato kaalmadooda, taas oo talada madaxbanaanida dowladda sharciyad u siineysa iney faragelin kula maamusho madaxda Soomaalida, waxaana intaas u dheer markasta oo uu dalku galo dagaal ku keligiis ah in ciriiri iyo cabsi dhinacyo badan laga geliyo sida in gabaabsi laga geliyo taakuleynta ama lagu soo rogo shuruudo gacmaha ka xiraya madaxda dowladda oo xujooyinkoodu la xiriiraan sida looga dul qaadayo maxmiyadda UNka iyo cunoqabateynta saran ee hubka, waxaana intaas u dheer hanjabaada ku dhisan xeeladaha ay ATMIS u adeegsaneyso cabsigelinta oo ay ku goodineyso iney ciidamadeeda kala baxeyso goobha ay fadhiyaan markasta oo ay ciidanka dowladda ku furmaan furiimo dagaal cusub.
Dr. Saciid Ciise Maxamud
Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaradiyada dadka
Saciidciise258@aol.com