Dowlada Somalia ayaa sheegtay in ciidankeedu burburiyeen kooxo al-shabaab ah oo ku sugnaa labo deegaan oo lagu kala magacaabo Xiin-Tubaal iyo Ceel-Cali Wayd oo ku yaalla Koonfuur Bari ee Gobolka Galguduud.
“Ilaa iyo 43 ka tirsan Khawaarijta ayaa ku dhintay hawlgalka, waxaana lagu burburiyay saddex gaari oo Khawaarijtu ay lahaayeen. Khawaarijta halkaas lagu laayay waxaa ay ahaayeen maleeshiyaad halkaas ay ku uruuriyeen Khawaarijtu kuwaas oo ka kala yimid goobo kala duwan oo horay loogu weeraray Khawaarijta” ayaa lagu yiri War-saxaafaded ka soo baxay Wasaarada warfaafinta DF.
HOOS KA AKHRISO WAR SAXAAFADEEDKA OO DHAMEYSTIRAN