Allbanaadir.com
NEWS

Axmed Madoobe oo Kismaayo ku qaabilay Siyaasiyiin Mucaarad ku ahaa (Sawirro)

Madaxweynaha Jubaland mudane H.E Ahmed Mohamed Islaam ayaa xarunta madaxtooyada ku qaabilay siyaasiiyiinta mucaaradka ah ee Jubaland oo horey Madaxweynaha ay u yeesheen wada hadalo miro dhal ah.

Madaxweynaha Jubaland iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa kawada hadlay sidii loo xoojin lahaa wadajirka iyo midnimada shacabka reer Jubaland iyo sidii labada dhinac isugu soo dhawwaan lahaayeen.

Axmed Madoobe iyo siyaasiyiinta kasoo horjeeday ayaa isla gartay sidii wadajir looga wada qaybgali lahaa howlgalka dhawaan ka bilaabanaya deegaanada Jubaland iyo xaalada guud ee Siyaasada.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa horey siyaasiyiintan oo kasoo horjeeday hab maamulkiisa kula kulmay Nairobi, waxa ayna kawada hadleen sidii ay isugu soo dhawwaan lahaayeen una taageeri lahaayeen maamulkiisa.

Related posts

Wasiir Dubbe oo u digay danjireyaal shisheeye oo faragelin ku haya arrimaha Somalia

Caydiid Ali

Maraykanka oo dilay Qasim Al-Raymi & Madaxweyne Trump oo ka hadlay (Sawirro)

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay Qaraxii saakay ka dhacay Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---