Allbanaadir.com
NEWS

Raísul Wasaare Xamse oo u ambabaxay Qatar iyo Ujeedka Safarkiisa oo la shaaciyay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi ballaaran oo hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah maanta ugu ambabaxay magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qatar.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa inta uu joogo kulamo kala duwan la yeelan doono madaxda dalka Qatar, oo ay ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Qatar.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka mid ah Wasiirrada Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Abshir Cumar Jaamac Huruuse, Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige, Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Axmed Shiikh Doodishe, Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Faarax Shiikh Cabdulqaadir iyo masuuliyiin kale.

Dowladda Qatar waxay kaalin weyn ka qaadataa dib u dhiska dalkeena Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, amniga iyo arrimaha bini’aadanimada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Burcad hubeesan oo Caawa Muqdisho lagu qabtay iyo Taliska booliiska oo ka hadlay

Cabdi Cade

Ma ubaahantahay in Carruurtaada iyo adiguba barataan Quraanka Kariimka ah, Higaadda & Caqiidada islaamka?

Cabdi Cade

Boqolaal qof oo ku dhintay Tsunami ku dhufatay Jasiirada Pelu (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---