Milatariga Soomaaliya ayaa maanta warbaahinta usoo bandhigay dagaalyahan katirsanaa kooxda Al Shabaab , kaa oo kasoo goostay kooxdii uu katirsanaa iskuna soo dhiibay ciidanka xoogga dalka.
Hafow Cabdulqaadir Ibraahim oo magaciisa afgarashada Al Shabaab uu ahaa (Saabir) ayaa isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka , gaar ahaan qeybta 60-aad oo fadhigoodu yahay deegaannada Koonfur Galbeed.
Ninkan ayaa sheegay in kooxda Al Shabaab gaar ahaan qeybta jabhadaha uu katirsanaa muddo sannad ah, waxa uuna xusay in uu kasoo dagaallamay deegaanno katirsan gobolka Jubbada Hoose iyo Bakool.
Hafow Cabdulqaadir Ibraahim ayaa sheegay in uu kasoo cararay xaalad adag oo ka dhax jirta Al Shabaab, waxa uuna ugu baaqay saaxiibadiisa wali katirsan Al Shabaab in ay isaga soo tagaan kooxdaasi iskuna soo dhiibaan dowladda.
Maalmihii lasdoo dhaafay waxaa sii kordhay xubnaha kasoo goosanaya Al Shabaab iskuna soo dhiibaya ciidanka dopwladda, waxaana madaxda dalka ugu sareysa cafis u fidiyeen xubnaha kasoo baxa Al DShabaab isdkuna soo dhiiba dowladda.