Allbanaadir.com
NEWS

ATMIS oo Mashaariic horumarineed ka fulineysa magaalada Muqdisho (Sawirro)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa aqalka dowladda hoose ee Xamar kulan kula qaatay madaxda xafiisyada Arrimaha Bulshada, Dib-u-dhiska iyo Xuquuqul Insaanka ee hoostaga xafiiska ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya iyo howlgalka ATMIS.

Kulanka ayaa loogu hadlay sidii maamulka gobolka Banaadir iyo xafiiska ATMIS ay ugu wada-shaqeyn lahaayeen fulinta mashaariicyo horumarineed oo ay ugu horeyso dhismayaasha kaabayaasha dhaqaalaha, dib-u-dhiska suuqayada, kawaanada iyo xarumaha danta guud ee loogu adeego Bulshada.

Madaxa Xafiiska Dib-u-dhiska ATMIS Mr. Andew ayaa sheegay in qorshaha ATMIS ee Xasilinta iyo soo kabashada ay qeyb ka tahay sidii dalka loogu fulin lahaa mashaariicyo horumarineed oo ay ugu horeyso kaabayaasha dhaqaalaha si loo helo kobac dhaqaale iyo Bulsho isku filan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kenya oo dhexdhexaadinaysa Xassan Shiikh & Axmed Madoobe (Sawirro)

Caydiid Ali

Kheyre oo Goob Fagaare ah ka cadeeyay Ujeedka uu Cadaado u tagay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Deeq Lacag ah oo la gaarsiiyay haween danyar ah oo isugu jira naafo iyo dad da’ ah (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---