Allbanaadir.com
NEWS

Kulamo Xasaasi ah oo ka socda degmada Maxaas iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan waxaa xalay markii ugu horeysay taariikhda ku hoyday madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ,oo shalay safar shaqo ku tagay degmadaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo masuuliyin kale oo isugu jira wasiirro , xildhibaanno iyo taliyaal ciidan ayaa ku sugan degmada Maxaas , waxaana halkaasi saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay kulamo xasaasi ah.

Sida ana xogta ku helnay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la kulmay masuuliyiin iyo saraakiil kasoo jeeda beesha Xawaadle, waxa uuna kala hadlay xal u helida khilaafka dhaxdooda ka jira iyo sidii ay gacan ugu siin lahaayeen dagaalka ka dhanka Al Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale la kulmay masuuliyiin iyo saraakiil ciidan oo iyana ku sugan degmada Maxaas , waxa uuna kala hadlay ujeedka uu u yimid Maxaas iyo sidii loo dar-dargelin lahaa dagaalka ka dhanka kooxda Al Shabaab ee Galmudug joogta.

Guriga uu Maxaas ka degan yahay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa ka jira mashquul badan, waxa uuna madaxweynaha wadaa kulamo kala duwan iyo sidoo kale abaabul dagaal oo ka dhan ah kooxda Al Shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo muddo bil ku dhaw fariisin u aheyd Dhuusomareeb ayaa halkaasi isaga soo tagay, kaddib markii beelaha dega Gamudug qaarkood garab iyo gaashana ku siin waayeen dagaalka uu ku dhawaaqay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Liiska Xildhibaanada kamid noqonaya Baarlamaanka cusub ee Galmudug oo la diyaariyay

Cabdi Cade

(Sawirro) Mid ka mid ah Suuqyada waaweyn ee Muqdisho oo laga buufiyey COVID-19

Caydiid Ali

DF oo xayirtay Shirkado, Bogag internet, telefoono iyo Malaayiin Dollar (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---