Allbanaadir.com
NEWS

Hadal heyn carro abuurtay oo ka dhalatay Goáan uu soo saaray Duqa magaalada Muqdisho

Baraha bulshada ayaa si weyn loogu hadal hayay goáankii shalay kasoo yeeray guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Madaale, oo sheegay in mushaarka shaqaalaha gobolka ee bisha September lagu taageerayo ciidamada xoogga.

Yuusuf Madaale ayaa la sheegay in uusan la tashi galin goáankii uu shalay kaga dhawaaqay bannaan bax ka dhacayay Muqdisho, waxaana la tilmaamay in goáankaasi uu ahaa kaliya mid kusoo dhacay xilligii uu khudbada jeedinayay.

Inta badan shaqaalaha gobolka Banaadir ayaa ka naxay goáanka guddoomiyaha gobolka, waxa ayna sheegeen qaarkood noloshooda in ay ku xiran tahay lacagta yar ee mushaar ahaanta u qaataan ayna ku adkaaneyso xaalada haddii mushaarkooda la weeciyo.

Dadkii aragtiyada ka dhiibtay baraha bulshada ayaa inta badan ku dhaliilay guddoomiyaha gobolka goáanka uu kaligiis gaaray, waxa ayna sheegeen dadku in Madaale uusan dareemi karin duruufaha iyo xaaladaha adag ee ku hareereysan shaqaalaha hoose.

Inta badan shaqaalaha gobolka Banadair ayaa qaata lacag aan ka badneyn 300-dollar, taa oo shaqaalaha qaarkood qoysas ka biishaan , sidoo kale ka bixiyaan kirada guryaha ay dega yihiin, waxaana laga yaabaa haddii ay hal bil waayaan xaalku ku adkaado.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaana loogu baaqay in uu ka laabto goáanka uu shaqaalaha gobolka Mushaarkood ku deeqayo, waxaana loogu baaqay in ugu yaraan qeyb kamid ah mushaarka ku deeqo ama ku deeqo midka ay madaxda sare qaataan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kooxo hubeysan oo toogasho ku dilay Masuul ka tirsan Maamulka degmada Garbaaharey

Caydiid Ali

Daawo Sawirada : Xaaf iyo Generaal Gorod oo furay Wadooyin ku xirmay Dagaalkii Gaalkacyo

admin

Madaxweyne Deni oo dhagax dhigay Waddo cusub oo isku xiraysa Garawe iyo Garacad (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---