Allbanaadir.com
NEWS

Soomaali aroos ku dhiganeysay Ottawa oo la weeraray iyo Khasaaro badan oo ka dhashay

Wararka ka imaanaya magaalada Ottawa ee caasimadda dalka Canada ayaa sheegaya in weerar dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac lagu qaaday hool xaflad aroos ku dhiganayeen lamaane Soomaaliyeed.

Kooxo hubeysan oon wali heybtooda la garan ayaa mar qura weeraray rasaasna ku furay goobta xaflada arooska ka socotay, waxaana mar qura goobtii farxada taalay isku bedeshay meel dhiig dureero oo murugo badan taal.

Inta la xaqiijiyay weerarkan waxaa ku dhintay labo wiil oo Soomaali oo kala ahaa Saciid Maxamed Cali 26 jir ahaa iyo Cabdishakuur Cabdi Daahir 29 jir ahaa, waxaa sidoo kale weerarkan toogashada ku dhaawacmay lix qof oo kale.

Labada wiil ee ku dhintay goobta xaflada arooska ka socotay ayaa la sheegay in magaalada Toronto uga yimaadeen ka qeyb galka xafladan aroos , lamana yaqaan ilaa hadda sababta loo weeraray xafladan iyo ciddii ka dambeysay.

Ciidamada booliiska ayaa sheegay in ay wadaan baaritaano ku aadan weerarkan khasaaraha badan dhaliyay, waxa ayna ka codsadeenm dadkii xaflada joogay ee ka bad baaday weerarka in ay usoo gudbiyaan macluumaadka dadka weerarka geestay.

Hoolkii xaflada aroska ka socotay ayaana lagu kala cararay, waxaana farxadii iyo meesha taalay mar qura isku bedeshay murugo iyo ooyin, waxaana goobta isaga cararay dadkii faraxsanaa iyaga oo ilmada ka qubaneyso .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Abiy Axmed oo beesha caalamka uga digay fara gelinta dagaalka ka socda Tigray

Caydiid Ali

Afhayeenka Baarlamaanka Uganda iyo labo Xildhibaan oo kale oo cunaqabateyn la saaray

Cabdi Cade

Wasaarada Waxbarashada oo si qasab ah ku hirgalineysa Manhaj cusub (Akhriso Wareegto)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---