Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Laftagareen oo xariga ka jaray xarun cusub oo casri ah (Sawirro)

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xariga ka jaray Hoolka Shirarka Wasaaradda Gargaarka oo qaab Casri ah loo dhisay.

Munaasabada Xarig jarka waxaa ka qeyb galay Wasiiro, Xildhibaano iyo Madaxa Hay’adda UNDP ee Soomaaliya.

Mashruucan waxaa maalgeliyey Hay’adda UNDP xafiiskeeda Soomaaliya.

Madaxweyne Laftagareen ayaa Xarag-jarka ka dib Furey Shir looga hadlayey Xoojinta Wadashaqaynta Wasaaraddaha iyo Hay’adda UNDP.

Madaxa Hay’adda UNDP ee Soomaaliya Mr. Lionel Laurens oo ka hadlay Munaasabada ayaa sheegay iney sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan Soomaalida, isagoo Maamulka K/Galbeed ku amaanay dedaalka uu ugu jiro xoojinta dowlad wanaaga.

Related posts

Hogaanka Al Shabaab oo Gudoomiye cusub u magacaabay gobolka Banaadir

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan oo Wadahadal la yeeshay António Guterres iyo Xogta waxii ay kawada hadleen

Cabdi Cade

Saraakiil Ciidan iyo dad kale oo loo xiray Shirqool lagu dili lahaa Madaxweyne Rajoelina

Cabdi Cade
Taboola Ads ---