Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ma dhab baa inuu khilaaf soo kala dhex galay Wasiirka Difaaca DF & Taliyaha XDS?

Warar warbaahinta iyo bulshadaba ku dhex faafay ayaa sheegaya in hoggaanka sare ee ciidanka dowladda Soomaaliya uu ka dhex jiro khilaaf.

Tuhunka khilaafka ayaa wuxuu sii xoogeysay markii ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al Shabaab ay ku dagaallameen xerada Cowsweyne, ka dibna ay soo baxeen warar sheegaya in khasaare xoog leh u halkaa ka dhashay.

Waxaa kaloo soo baxay in ciidanka dawladda ay ka bexeen goobo ay ka qabsadeen Alshabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlayey barnaamijka X (hore loo dhihi jiray Twitter) in qaladaadka dhanka howlgalka, sahayda iyo xiriirka uu ka dhacay weerarkaas, Kuwaas oo uu sheegay in cashir laga baranayo islamarkaasna la sixi doono.

Laakin waxa uu madaxweynuhu sidoo kale sheegay inay guul weyn ay ciidamadu ka gaareen dagaalka Cowsweyne, oo khasaare ka badan kan iyaga soo gaaray la gaarsiiyay kooxda AlShabaab weerarka soo qaatay.

Goobahani, ayaa in muddo ah laga shaqeynayey abaabulka ciidankii la wareegi lahaa, taasoo lagu xiray soo afmeerista wajiga koowaad ee dagaalka ay dowladda Soomaaliya kula jirto Alshabaab.

Dad xogogaal u ah khilaafka oo ka mid ah ciidanka qalabka sida, mas’uuliyiin ka tirsan dawladda iyo falanqeeyayaal ayaa intaba farta ku fiiqay in mushkiladda ay ka dhalatay khilaaf soo dhex galay wasiirka gaashaandhigga C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneral Ibrahim Sheekh Muxudiin.

Labada mas’uul ayaa ah labada qof ee marka laga yimaado madaxweynaha saamaynta xagga go’aan gaarista ku leh dagaalka Al Shabaab.

Labada masuul mid ka mid ah wuu ka gaabsaday in uu naga la hadlo arrimahan iyo howlgalka ciidamada ee ka dhanka ah Al-Shabaab. Mas’uulka kale, dhowr mar oo ay BBCdu la xiriirtay kama uusan jawaabin wicitaankeenna. Saraakiil kale oo dowladda ka tirsan iyo kuwa qaabilsan xiriirka warbaahinta inta way diideen inay ka hadlaan arrimahan.

Astaamaha muujinaya khilaafka

Axmed Cabdullaahi Kaboole, oo bartay siyaasadda iyo amniga, ayaa sheegay in ciidamo inta meel qabsada haddana kasoo baxa in ay caqabad ku tahay hawlgal socda, iyo in sidoo kale shacabka ay niyad jabaan.

Axmed Kaboole, ayaa tilmaamay in habacsanaanta, iyo kala amar qaadashada aan wanaag saneyn, ay muujineyso in taliska ciidanka iyo wasaaradda gaashaandhiga in aanay wada socon, taasna laga dheehan karo khilaaf.

Kaboole, ayaa sheegay in ciidan aanu qaldamin, illaa hoggaanka uu qaldamo mooyaane.

Kaboole, ayaa carabka ku dhuftay in hawlgal ciidan uu mar waliba saldhig u yahay qorshe la og yahay, iyo xiriir.

Khabiirka amniga, ayaa dhanka kale sheegay in inkastoo aanu ku dhex jirin ciidanka, haddana la odorosi karo, sida marka ciidan goob galaan, haddana ka baxaan, ama ay u weerarayaan kooxda Alshabaab, goobaha ay ciidamadu la wareegaan.

Kaboole, ayaan dhanka kale sheegay in mararka qaarkood khalad dhici karo, taasna ay tahay in wax laga barto, oo dadka wax ka barta ay hantaan, marka u danbeysa guusha.

“waxaad moodda in aan waxba laga baran khaladaadkii hore u dhacay, haddii aan la wada fariisan oo aan la isla fiirin khaladkii dhacayna waa adkaanaysaa in hawlgallada lagu guulaysto” ayuu yiri Axmed Cabdullaahi Kaboole.

Kaboole, ayaa carabka ku dhuftay in hawlgal ciidan uu mar waliba saldhig u yahay qorshe la og yahay, iyo xiriir iyo wada shaqeyn wanaagsan oo u dhexeysa taliska ciidanka iyo saraakiisha rayidka ah ee Wasaaradda Gaashaandhiga, taas oo uu dareen ka muujiyay in shaki ka dhex muuqdo hadda.

Ciidanka maxay u baahan yihiin?

Khabiir Axmed oo BBC la hadlay ayaa wuxuu kaloo carabka ku dhuftay in ciidanka uu mar waliba yeesho qeyb sirdoon, oo sahamisa xaaladda, iyadoo haddii taa la yeelanina ay adkaanayso, in hawl galada lagu guuleysto.

Kaboole, ayaa sheegay in marka dagaal lagu jiro xirfadda ciidanka khalad dhaco in aanu ceeb ahayn, laakiin ay tahay in wax laga barto.

Isagoo hadalkiisa sii wata, ayuu khabiir Axmed wuxuu sheegay in wax qaadashaas laga qaadan karo ma xiriir xumaa jirta, ma hoggaan wax ku oola oo xaaladda qiimeyn kara ayaan jirin, oo inta qiimeysa dhaq dhaqaaqa ciidanka, iyo hawl galkooda, qaadan karaya go’aan kale.

Wuxuu soo jeediyey Khabiir Kaboole in loo helo hawlgalka kumeel gaarka ah madax iyo hoggaan fahmi karaysaa xirfadna u leh hannaan dagaalka lagula jiro Alshabaab.

Sidoo kale, wuxuu hoosta ka xariiqay Kaboole in hawlgalka laga ilaaliyo khilaaf, sidoo kalana laga taxadaro inuu dhaawac gaaro quluubta shacabka.

Wuxuu kaloo tilmaamay Kaboole in halis ku keeni karto sii socoshada hawlgalka inta goob la galo, sida Maxaas, Ceel Buur iyo Galcad, haddana laga baxo, taasoo dili karta buu yiri shacabkii soo dhoweeyey ciidamada la wareegaya goobaha kala duwan.

Wuxuu ku tala bixiyey in khabiirka amni, in ciidanka goobaha ay doonayaan la wareegistooda inta aan la galin, in haddii khilaaf uu jiro marka hore la xaliyo.

Axmed Kaboole, ayaa ku nuux nuuxsadey in sanadihii u danbeeyey uu soo hagaagayey tababarka iyo nidaamka ciidanka Soomaaliya, haddana dhanka kale wuxuu sheegay in wali ay yihiin ciidanka kuwo u kala qeybsan hannaanka awood qeybsiga, ee loo yaqaan 4.5.

Tani ayuu ku tilmaamay inay hagal daacin karto hannaanka kala danbeynta, iyo kala amar qaadashada, iyo sidoo kale iney jiri karaan khilaaf siyaasadeed.

Sidoo kale, Khabiir Kaboole, ayaa sheegay iney lagama maarmaan tahay in quluubta ciidanka la diyaariyo, oo la baro wadaniyadda, loo diyaariyo hadba xaaladda ay wajahayaan, oo kaliya waxbarashadooda aan lagu ekeyn sida loo rido qoriga.

Khabiir Axmed, ayaa sheegay in ciidanka la baro xeeladaha ay isticmaalayaan kuwa kasoo horjeeda, loona xulo hoggaan sax ah oo qiimeyn kara xaaladda taagan, kuna hoggaamin kara siyaasad wanaagsan, oo ka amar qaata dadka ka sarreeya, taasoo haddii la waayo, oo qolo waliba ay sameyso waxey doonto, inaanan maaro loo heli doonin xakameynta khasaaraha soo gaaraya ciidanka.

Maxaa looga baahan yahay ciidan?

Col. Cabdullaahi Cali Macow, oo kasoo shaqeeyey hey’adda amniga iyo sirdoonka, ayaa sheegay in ciidanku ku shaqeeyo laba tiir, kuwaasoo uu ku tilmaamay iney yihiin Anshax (discipline) iyo niyad (moral).

“Waa in ismaqal iyo kala dambayn ay jirto, qofka ciidanaka hogaaminayana waa inuu ciidanka u jiheeyo tubta wanaagsan ee ay cadawga ku jebin karaan, ciidankana waa inay yaqaanaan hawlgalka iyo cadawgooda dhanka uu ka jiro” ayuu yiri G/sare Mocow.

Wuxuu soo qaaday Macow, in ay tahay wax aan wanaagsaneyn in ciidanku garan waayo, inta uu u jiro kuwa la dagaalayo (cadawga), halka kuwa kasoo horjeeda ay garanayaan inta isku jiraan, isagoo ula jeeda gaadmada lagu sameeyo badanaa ciidanka dowladda Soomaaliya.

“Haddii ciidan ay meel ka baxayaan waa in go’aanka uu ka yimaado madaxda sare. Haddi loo arko in ciidankaas uu meesha halis ku galayo ama uu dayacan yahay waa dhici kartaa in dib u gurasho laga sameeyo” ayuu yiri col. Mocow.

Maxaa salka ku hayaa khilaafka

“Haddii khilaaf uu u dhaxeeyo taliyaha ciidanka iyo wasiirka gaashaandhigga, waxa ka dhacaya furimaha dagaalakaan aan u jeedno, waxaan is leeyahay waxay jawaab u tahay soo bixitaanka ciidanka” ayuu yiri khabiir arimaah amniga ka faallooda, si dhawna ula socda hawlagallada uu hogaaminayo madaxweynaha, kaasoo ka gaabsaday in aan magaciisa sheegno.

Wuxuu intaa ku daray in haddii ciidan la siiyo amarro ama farriimo iska soo hor jeeda ay taasi abuurayso jahawareer.

“Madaxweynuhu inkastoo uu leeyahay hogaaminta dagaalka, misna mas’uuliyiintan ayuu uga dambeeyaa, laakin waxaa laga rabay inuu wato khubaro milateri iyo dad ciidanka hore taliyeyaal uga soo noqday, ka dibna sidaas lagu go’aan gaaro”, ayuu sii raaciyey.

Saamaynta

Ciidanka dawladda waxay ka baxeen, inta la ogyahay deegaanno ay ka mid yihiin Wabxo, galcad, Ceel Dheer, mesagawaa, Budbud, iyo Ceelbuur oo muddo todobaad ka yar ay ka qabsadeen Al Shabaab.

Goobahan ayaa in muddo ah laga shaqeynayey abaabulka ciidankii la wareegi lahaa, taasoo lagu xiray soo afmeerista wajiga koowaad ee dagaalka ay dowladda Soomaaliya kula jirto Alshabaab.

Wasiirka cadaaladda, Xasan Macallin Maxamuud oo jiidaha hore ee dagaalka ku sugan wuxuu BBC u sheegay in ciidankooda ay Ceelbuur uga bexeen “xeel dagaal”, laakin dadka wax indhaindheeya waxay aaminsan yihiin in sababtu ay tahay in ciidanka aysan go’doon gelin maadaama ay Wabxo dib ugu soo laabteen Al Shabaab.

Madaxweyanaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isna todobaadkii hore sheegay in ay baari doonaan arrimaha horseeday in khasaare uu soo gaaro ciidanka milateriga. Isla arrintaas waxaa hore uga hadlay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo dalbaday in baaritaan iyo isla xisaabtan laaga sameeyo dhacdadii Cowsweyne.

Waxaa farta lagu fiiqayaa in khilaafka wasiirka gaashaandhigga iyo taliyaha xoogga dalka la sheegayo inuu soo dhex galay uu samayn ku yeeshay hawlgalka. Jeneral Ibraahim Sheekh Muxudiin wuxuu BBC u sheegay in uusan diyaar u ahayn inuu hawlgallada socdo ka hadlo, halka wasiir C/qaadir Maxamed Nuur uusan ka jawaabin telefoon ay BBC u dirtay.

Xigasho:BBC

Related posts

Xukuumada Soomaaliya oo bilowday fulinta amarkii Khayre ee doorashada (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yaasiin oo Khiyaano Qaran lagu eedeeyay

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay Madaxweyne Xaaf oo diiday in uu la kulmo Wasiir Sabriye iyo Kulamo …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---