Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda oo Faah faahisay weerar Al Shabaab looga dilay in ka badan 150 Dagaalyahan

Hawlgal milateri oo shalay ka dhacay deeegaanka Dumaaye ee Gobolka Mudug ayaa lagu burburiyay xaruntii kooxda Al Shabaab ee Koonfuurta gobolka Mudug.

Hawlgakaan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka ee taageera dowladda iyo xoogagga shacabka ayaa lagu beegsaday xaruntaasi ay Al Shabaab ku lahayd duleedka Dumaaye, halkaas oo ahayd mawlaca ay Khawaarijtu horay uga dhacday culumada deegaanka una badashay xero ay ku tababaraan maleeshiyaadkooda, ku diyaariyaan qaraxyada, hoyna u ahayd horjoogeyaasha kooxdaasi.

Marka uu dhacayay hawlgalku waxaa goobtaas ku faylsanaa maleeshiyaad gaaraya saddex boqol, waxaana hadallo marin habaabin ah u jeedinayay horjoogeyaal iyo kuwa diinta sida qaldan u fasira ee ay ugu yeeraan daaciyaal,

Hawlgalka oo u dhacay sidii loo qorsheeyay waxaa ku geeryooday 167 ka tirsan Khawaarijtii goobta taagnaa oo ay ku jiraan sadex horjooge, waxaa sidoo kale dhaawacmay 87 kale kuwaas oo dhaawacyadoodu u badan yihiin kuwa aad u liita.

Hawlgalka ayaa sidoo kale lagu burburiyay afar gaari oo ay ku jiraan labo nuuca loo yaqaano BG kuwaas oo ay saarnaayeen waxyaabaha qarxa , isla markaana sababay in uu sii bato qasaaraha . Waxaa halkaas ka dhashay dab wayn oo keenay in Shabaabkii banaanka joogtay ay u gurman waayaan kuwa ku halaagsamay xerada.

Dawladdu waxa ay cambaaraynaysaa in Al Shabaab oo ka aar gudanaya hawlgalkaas ay laayeen dad shacab ah oo u afduubnaa kuwaas oo gaaraya shab qof, taas oo muujinaysa falalkooda ka baxsan Diinta Islaamka.

 

Related posts

Wasiirka Gaashaandhiga Turkiga oo Muqdisho soo gaaray (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Cumar Finish oo Gaadiid Dagaal iyo hub badan soo iibsaday Iyo Ujeedka Ka Dambeeya !!

Cabdi Cade

Daawo: Wararkii ugu dambeeyey kulamo Siyaasadeed oo Muqdisho ka socda

Caydiid Ali
Taboola Ads ---