Wasiir Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku soo wareegey dhamaan qeybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay Isbitaalka oo isugu jiray qeyb shaqeeya iyo qeybo aan lagu shaqeyn isla markaana aan dhisnayn, waxa uuna sidoo kale dul istaagey bukaano xaaladdooda Caafimaad lagula tacaalayey Isbitaalka.
Wasiirka ayaa sheegey in Isbitaalka Dayniile uu kamid yahay Isbitaal Dowladda, Wasaaradda Caafimaadkana ay ka shaqeyn doonto sidii Shaqaalaha Isbitaalka ay u helli la haayeen Xuquuqdooda maadaama Isbitaalku ka mid yahay Public Hospitals-ka.
Maamulka Isbitaalka Deyniine ayaa faahfaahin ku saabsan waxyaabaha uu qabto Isbitaalka iyo Caqabadaha haysta ee ku horgudban usharaxay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxa uuna bogaadiyey dhamaan Hey’adaha, Ganacsatada, iyo dadka deegaanka oo ka shaqeeyey in Isbitaalku halkan soogaaro maanta.
Wasiirka ayaa sidoo kale furay qeybta daweynta Isku-furanka oo laga hirgelliyey Isbitaalka Deyniinle waxayna qeyb ka tahay horumarada uu ku tallaabsanayo Isbitaalka maadaama uu qeybaha Isbitaalka oo dhami loogu adeego bulshada deegaanka.
Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaliya Waxaa ka go’an Horumarinta Caafimaadka guud ee dalka iyo sidii bulsho waynta Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen adeeg Caafimaad oo tayo leh.