Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirro laga soo qaaday Maxaabiistii Dagaalka Laascaanood looga qabtay Somaliland

Ciidamada maamulka Khaatumo ayaa shaaciyay in ay gacanta ku hayaan boqolaal maxaabiis ah oo ciidamada maamulka Somaliland looga soo qabtay dagaalkii ka socday magaalada Laascaanood iyo duleedkeeda.

Maxaabiista ciidamada maamulka Somaliland looga qabtay dagaalka Laascaanood ayaa lagu hayaa goobo kala duwan, waxa ayna maamulka Khaatumo sheegeen in maxaabiistan ula dhaqmaan si wannaagsan.

Xubno ka socday hay’adda Laanqeyrta Cas ee ICRC ayaa xabsiyada lagu hayo maxaabiista ku booqatay magaalada Laascaanood, waxa ayna xubnahan qiimeyn ku sameenayeen habka nolosha maxaabiista iyo in tacadiyo la kulmaan iyo in kale.

Hay’adda Laanqeyrta Cas ayaa sheegtay in magaalada Laascaanood kusoo arkeen in ka badan 300 oo maxaabiis Somaliland looga qabtay dagaalladii dhacay, waxa ayna ujeedka booqashadooda ku tilmaameyn mid la xariirta biniáadannimo iyo qiimeyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muuse Biixi oo tukashada Salaadii Ciida ka dib baaq u diray Shacabka Somaliland (Sawirro)

Caydiid Ali

Israel oo duqeyn ku bilowday Rafah caruur & haween badana ku xasuuqday (Sawirro)

Caydiid Ali

Xukuumada Somalia oo aqbashay codsi xasaasi ah oo kaga yimid dowlada Kenya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---