Allbanaadir.com
NEWS

Duqa Muqdisho oo u hanjabay dadka ka cabsanaya Al Shabaab ee dhuumanaya

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shacabka ku dhaqan caasimadda ugu baaqay in ay qeyb ka noqdaan dagaalka dalka looga saarayo kooxda Al Shabaab.

Yuusuf Madaale oo ka qeyb galay kulan lagu taageerayay howlgalka ka dhanka ah Al Shabaab ayaa sheegay in shacabka gobolka Banaadir looga baahanyahay in ay si wadajir ah uga qeyb galaan dagaalka lagu cirib-tirayo kooxda Al Shabaab.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in ganacsatada , odayaasha iyo dhallinyarada magaalada Muqdisho looga baahan yahay in doorkooda ka qaataan dagaalka ka dhan ah Al Shabaab, waxa uuna farriin hanjabaad ah u diray dadka ka cabsanaya kooxda Al Shabaab.

“Dadka kulamada looga arrinsanayo ka qeybgalka dagaalka lagu cirib-tirayo Al Shabaab aan imaan, ama ka dhuumanayo cabsi Shabaab awgeyd,waxaan tuseynaa in sida cadawaga ay uga cabsanayaan si lamid ah nooga cabsadaan,xabsiga ayana la dhigayaa” ayuu yiri Madaale.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa ka socday kulamo dadweyne oo lagu taageerayo howlgalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab ,sidoo kale ciidamada qalabka sida garab istaag loogu muujinayay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda Soomaaliya oo kordhisay qiimaha Xajka lagu tagayo sannadkan (Akhriso)

Cabdi Cade

Jamhuuriga oo taageeray Mooshinka xilka looga qaadayo Madaxweyne Trump

Caydiid Ali

Ciidamada Xoogga dalka oo degaano cusub kala wareegay kooxda Al-shabaab

Caydiid Ali
Taboola Ads ---