Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii Ugu Dambeeyay Safarka madaxweyne Xasan Sheekh ku tagayo degmada Maxaas

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno la socda ayaa lagu wadaa in saacadaha soo aadan gaaraan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, waxaana halkaasi ka socda qaban qaabada soo dhaweynta wafdiga madaxweynaha.

Ammaanka degmada Maxaas ayaa saakay si weyn loo adkeeyay, waddooyinka muhiimka ah ee magaalada ayaa lagu xiray gaadiid dagaal, waxaana magaalada ka howlgalaya oo ammaanka sugaya ciidamo cusub oo koofiya gaduud u badan.

Degmada Maxaas waxaa sidoo kale ka socda abaabulka soo dhaweynta madaxweynaha iyo wafdiga la socda, waxaana halkaasi lagu diyaariyay sawirada madaxweynaha iyo caleemo qoyan oo wafdiga lagu soo dhaweenayo.

Waxaa shalay degmada Maxaas gaaray wafdi uu hoggaaminayay wasiirka batroolka Soomaaliya , waxaana wafdiga kamid ahaa guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cali Jeytre Cismaan oo muddooyinkii dambe dowladda khilaaf kala dhaxeeyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u tagaya degmada Maxaas sidii uu ula kulmi lahaa siyaasiyinta gobolka Hiiraan iyo Odayaasha dhaqanka, waxa uu sidoo kale halkaasi ka bilaabayaa abaabul dagaal ka dhan ah kooxda Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Geela Somaliland oo Tartan aan horey loo arag loo qabanayo (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Kheyre oo Cadeeyay hal arin oo laga maarmaan u ah helida nidaam Dowladeed oo dheeli tiran

Cabdi Cade

Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo la sheegay in nolosha lagu qabtay (Magacyada)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---