Allbanaadir.com
NEWS

Maxaa ka jira inuu Facebook kasoo hadlay taliyihii la waayey Shaah-macabe?

Qoraal ayaa la soo dhigay Waxaa saacado kahor akoonka barta Facebook oo uu ku qoran yahay magaca Korneel Mukhtaar Xasan Tifow oo ku magacdheer (Shaah-macabe), kaasoo lagu la’yahay dagaal ka dhacay qeybo ka mid ah Gobollada Dhexe oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kooxda al-Shabaab.

Bartan oo la sheegay inuu taliyaha leeyahay ayaa lasoo dhigay qoraal muujinaya inuu nabad qabo uusana wax dhibaato ah qabin.

“Asc Walaalayaal inta iga Murugsaneed waxaan idinla wadaagaa in aan Nabad qabo Xiliga Ugu dhow oo fursad Aan u helana si faahfaahsan idinla hadli doona Khawaarijtana Waan ka adkaan doonaa” ayaa lagu yiri qoraal la soo dhigay bogga shaah ma cabbe.

Guddoomiyaha ururka haweenka gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab oo ay qaraabo dhow yihiin Taliye Shaah Macabbe ayaa sheegtay inaysan ilaa iyo haatan wax war ah ka heynin taliyaha.

“Waxaan xaqiijinayaa in laga jabsaday barta Facebook, asaga maaha waxa qoraalka soo dhigay, warna kama heyno illaa hadda” ayay tiri, iyadoo intaas ku dartay in marka laga yimaado qoraalkaas aysan heynin cadeymo kale oo muujinaya inuu nool yahay.

Jawaahir ayaa sheegtay in laga yaabo in dad doonaya inay ku qaraabtaan magaciisa ay jabsadeen bartiisa oo ay qoraalkana soo dhigeen.

“Dad baa jira ku qaraabanaya oo laga yaabo inay lacag uga uruursanayaan dadka,” ayay intaas raacisay.

Shaah-macabe oo ah Taliyaha Guutada 25-aad ee ciidamada Xoogga dalka ayaa nolol iyo geeri lagu waayay, kadib weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen saldhigyo ku yaalla deegaanka Cowswayne ee gobolka Galgaduud, kaas oo geystay khasaare xoogan.

 

Related posts

Soomaalida Nairobi oo dhaqaalihii ugu badnaa ugu deeqay shacabka B/weyne

admin

Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Somalia oo jirdil culus loogu geystay Magaalada Nairobi

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse oo tagay Ballidoogle Tababarna usoo xiray Ciidamo katirsan Danab (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---