Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Weerar ka dhacay degaanka Towfiiq iyo tiro Al-shabaab ah oo lagu dilay

50 ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay laba howlgal oo ka kala dhacay nawaaxiga degmooyinka Kuntuwaarey iyo Qoryooley oo ka wada tirsan gobolka Shabeellaha Hoose sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in howlgal ay fuliyeen ciidamada dowladda iyo saaxiibadda caalamka oo ka dhacay deegaanka Towfiiq oo hoostaga degmada Kunturwaaray lagu dilay 20 ka tirsan al-Shabaab.

Qoraal kale oo ay shalay soo saartay Wasaaradda Warfaafinta ayay ku sheegtay in 30 ka tirsan maleeshiyada al-Shabaab lagu dilay howlgal ay iska kaashadeen ciidamada Soomaaliya iyo saaxibada Caalamiga ah oo ka dhacay degmada Qoryooley.

Dhinaca kale, dowladda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay duqeyn cirka ah oo lagu qaaday saldhig ay kooxda al-Shabaab ku leedahay deegaanka Dumaaye ee hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Wasiirka Arrimaha Gudaha DFS Axmed Macalin Fiqi ayaa farriin uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay in gebi ahaan la burburiyay saldhiggaasi.

Saraakiil ka tirsan dowladda ayaa sheegay in saldhigaasi ay yaalleen hub iyo gaadiid dagaal, isla markaana uu ahaa saldhig ay isku aruursanayeen Al-Shabaab.

Related posts

Wasiir Beyle oo shaaciyey xiliga IMF ku dhawaaqeyso cafinta deynta Soomaaliya

Caydiid Ali

Golaha shacabka oo ansixiyay hindise sharciyeed muhiim ah oo la horgeeyay

Cabdi Cade

Ciidamada Ruushka oo qabtay, ka dibna toogasho ku dilay Uriy Ilyich iyo Ilaaladiisa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---