Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Garsoore kubada cagta ah oo geeriyooday xili uu ciyaar dhax dhaxaadinayay

Garsoore kubada cagta ah oo lagu magacaabo Victor Marah oo u dhashay dalka Sierra Leonean ayaa geeriyooday xili uu dhax dhaxaadinayay ciyaar u dhaxeesay kooxaha Kroo Bay iyo Falcon 12 FC.

Victor Marah ayaa istaaga ka dhacay daqiiqadii ugu dambeesay ciyaartii uu garsooraha ka ahaa, waxaana garsooraha loola cararay isbitaal halkaas oo lagu shaaciyay in uu geeriyooday.

Geerida deg dega ah ee ku timid garsoorahan kubada cagta ah oo 27-sano jir ahaa ayaan wali la shaacin, waxaana geerida garsoorahan aad uga naxay bahda kubada cagta ee dalka Sierra Leonean.

Garsoore Victor Marah ayaa isbuucyo kahor tababar dhinaca garsoorka ah waxa uu kusoo qaatay dalka Masar, waxaana tababarkan dhinaca garsoorka ah bixineesay Hay’ada Caf ee maamusha kubada cagta Afrika.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wadahadalo Xasaasi ah oo Nairobi uga furmay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Cabdi Cade

Ganacsatada Muqdisho oo ka cabanaya Dhac iyo boob lagu hayo Suuqa Bakaaraha (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Ciidamo lagu daadiyey Dhuusamareeb iyo DF oo amar cusub ku soo rogtay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---