Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo looga digay in Maxaas u raaco Wasiirka Gaashaandhigga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu tago degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, halkaas uu ka bilaabi doono abaabul dagaal oo ka dhan ah kooxda Al Shabaab ee joogta degmooyin katirsan Galgaduud.

Ergayga gaarka ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh  u qaabilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka ee goobaha dagaallada Maxamed Cabdi Waare, ayaa uga digay madaxweyne Xasan Sheekh in Hiiraan u wato wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya.

Qoraal uu barta Twitterka soo dhigay madaxweynihii hore ee Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayuu uga digay madaxweynaha in uusan la safrin una kaxeysan gobolka Hiiraan wasiirkiisa gaashaandhiga Cabdiqaadir Maxamed Nuur.

Waare ayaa sheegay in taladan uu siinayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay ku jirto danta badbaadinta duulaanka ka dhanka kooxda Al-Shabaab iyo kalsoonida lagu qabi karo madaxweynaha oo abaabulaya dagaal ka dhan ah Al Shabaab.

Ergayga madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ku baaqay in baaritaan lagu sameeyo islamarkaasna lagula xisaabtamo saraakiishii ku lugta laheyd weerarkii dhiigga badan ku daatay ee lagu qaaday xerooyinka Cowsweyn iyo Galcad .

Hadalkan kasoo yeeray madaxweynihii hore ee Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa imaanaya xilli madaxweyne Xasan Sheekh la filayo in uu gaaro degmada Maxaas, halkaas uu ka bilaabi doono kulamo iyo abaabul dagaal oo ka dhan ah Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Faahfaahin: Kooxo hubeysan oo weeraray hoyga Taliyaha Booliska gobolka Nugaal

Caydiid Ali

Madaxweyne Qoorqoor oo warbixin xasaasi ah laga siiyey amniga Galmudug

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Sheekh oo goordhaw si weyn loogu soo dhaweeyay Garawe

Cabdi Cade
Taboola Ads ---