Allbanaadir.com
NEWS

Waddo laami ah oo laga dhisayo degmada Dayniile oo la dhagax-dhigay (Sawirro)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax-dhigay dhismaha jid laami ah oo laga hir-galin doono waddada xaafada Ciise Cabdi ee degmada Deyniile.

Wadadan dhismaheeda la dhagax-dhigay ayaa kasoo bilaabaneysa isgooska Ifka Xalane , waxaana inta badan qarashka ku baxaya dhismaha wadadan bixiyay ganacsatada iyo dadka deegaanka xaafada Ciise Cabdi.

Dhagax dhigan waxaa goob joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir Mudane Ciise Maxamud Guure iyo xildhibaano katirsan dowladda federaalka ,gaar ahaan kuwa kasoo jeeda degmada Dayniile.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir  Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kula dardaarmay shacabka Soomaaliyeed in ay u midoowaan horumarka caasimadda iyo taageerada howlgalada dalka looga sifeynayo kooxda Al Shabaab.

Waddadan laamiga ah ee la dhagax-dhigay ayaa noqoneysa tii saddexaad oo laga hir-galinayo Dayniile, waxaana horey loo dhisay laamiga dheer ee degmada ,halka uu hadda dhisme ku socdo laamiga xaafada Owdweyne.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Booliska Kenya oo qabtay ninkii dilay 3 haween Soomaali ah

Caydiid Ali

Aadan Madoobe oo shaaciyay in la qabanayo Doorashada Kuraastii Fahad Yaasiin iyo Mahad Salad

Cabdi Cade

War deg deg ah: Dowladda Somalia oo war ka soo saartay xariga C/raxmaan C/shakuur Warsame

Caydiid Ali
Taboola Ads ---