Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo wada abaabulka lagu ciribtirayo Kkooxda Al Shabaab ayaa maanta kormeer booqasho ah ku tagay deegaannada Mabaax, Xaawo Gadiid, iyo Ceel Cali Axmed, oo ay ku sugan yihiin ciidanka xoogga dalka, ciidanka Hirshabeelle iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka .
Madaxweynaha waxaa deegaanka Ceel Cali Axmed kusoo dhaweeyay Senator Axmed Maxamed Cali Afcadey, tliyaha guutada 3aad Qeybta 27aad ee CXD, abaanduulaha guutada 3aad, taliyaha booliiska Hirshabeelle, saraakiil, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada deegaanka.
Cali Guudlaawe ayaa goob fagaare ah kula hadlay qeybaha kala duwan ee bulshada, boqolaal ciidanka huwanta ayaa ku bogaadiyay isku duubnida wadajirka ah ee ka muuqda iyo guulaha ay ka gaareen cadowga Al Shabaab ee u taagan gumaadka shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in la joogo waqtigii la ciribtiri lahaa kooxdan.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in kormeerka uu ku marayo furimaha ay tahay ka warqabka iyo dhiirigalinta ciidanka geesiyaasha ee taagan baabi’inta cadowga ah ee Al Shabaab, waxa uuna sheegay in difaacyada dagaalka ay u joogaan hoggaaminta dagaalka iyo dhiirigalinta ciidanka.
Ugu dambeyn madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa deeq xoolo ah ku wareejiyay qeybaha kala duwan ee ciidanka geesiyaasha ah ee ku sugan deegaanka Ceel Cali Axmed.