Allbanaadir.com
NEWS

ICRC oo shaacisay tirada Maxaabiista Somaliland looga hayo Dagaalka Laascaanood

War-saxaafadeed kasoo baxay Hay’adda Laanqeyrta Cas ee ICRC ayaa lagu shaaciyay tirada maxaabiista ciidamada maamulka Somaliland looga qabtay dagaalladii ka socday magaalada Laascaanood iyo duleedkeeda.

Hay’adda Laanqeyrta Cas ayaa sheegtay in magaalada Laascaanood kusoo arkeen in ka badan 300 oo maxaabiis Somaliland looga qabtay dagaalladii dhacay, waxa ayna xustay hay’adda in maxaabiista ku jiraan kuwa dhaawacyo qaba.

Warka kasoo baxay ICRC ayaa lagu sheegay in shalay oo Khamiis aheyd booqashadii ugu horeysay ugu tagtay in ka badan 300 maxaabiis oo laga qabtay Somaliland, waxa ayna ujeedka booqashadooda ku tilmaameen mid la xariirta bini’aadannimo.

”ICRC waxay booqataa maxaabiista labada dhinac ee dirirtu dhexmartay, iyadoo hore u booqatay xabsiga dhexe ee Hargeysa, halkaasoo ay ku jiraan maxaabiis ka soo jeeda SSC Khaatumo. Ujeedada booqashooyinkan ayaa ah mid bini’aadantinimo oo keliya, iyadoo ujeedadu tahay in dhammaan maxaabiista loola dhaqmo si bini’aadantinimo iyo in qoysaskooda ay ogaadaan halka ay ku sugan yihiin” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay ICRC.

Hay’adda ICRC ayaa sheegtay in muhiim tahay in maxaabiista lakala heeso loola dhaqmo si bini’aadannimo ku jiro, sidoo kale helaan cunto iyo biyo lagana ilaaliyo in lagula kaco tacadiyo ka dhan ah bini’aadannimada.

“Waa muhiim in maxbuus kasta, labada dhinac, loola dhaqmo si waafaqsan sharciga caalamiga ah ee bani’aadannimada. Tani waxay ka dhigan tahay in qof kasta oo xiran uu heli karo cunto iyo biyo, waana inaan marnaba la kulmin si xun oo loola dhaqmo,” ayuu yiri Pascal Cuttat, madaxa wafdiga ICRC ee Soo

Hay’adda ICRC oo kaashaneysa hay’adda Bisha Cas isbitaal weyn oo kuyaalla magaalada Garawe geysay afar maxbuus oo dhaawacyo qaba, kuwaa oo xaaladooda lagula tacaalayo laguna daweeayo isbitaalka caasimadda Puntland kuyaalla.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Qoorqoor oo xariga ka jaray xarun ay baahi weyn u qabeen shacabka Galmudug (Sawirro)

Caydiid Ali

Maraykanka & Ruushka wadahadaladii u horeeyey ka yeeshay dagaalka Ukraine

Caydiid Ali

Kulankii Baarlamanka Somalia ee maanta oo baaqday & Magacyo la akhriyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---