Allbanaadir.com
NEWS

Sheekh Shariif oo Cadeeyay mowqifkiisa dagaalka Al Shabaab codsi muhiim ahna diray

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa qoraal uu soo saaray ku taageeray howlgalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab ay bilaabeen ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in mowqifkiisa ku aaddan la dagaallanka Al Shabaab uu yahay mid soo jireen ah oo aan maranaba isbeddelin xilli kasta iyo marxalad walba, waxa uuna garab istaag u muujiyya ciidanka qalabka sida ee dagaalka kula jira Al Shabaab.

”Mowqifkeena ku aaddan la dagaallanka cadowga waa mid soo jireen ah oo aan maranaba isbeddelin xilli kasta iyo marxalad walba, waxaana si buuxda u garab taagannahay dagaalka ciidamada qalabka sida iyo kuwa deegaanka ay kula jiraan argagaxisada” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Waxa uu sheegay Sheekh Shariif in aan laga aamusi karin qaladaadka jira ee sababay dhibaatada ku dhacday ciidanka, waxa uuna cadeeyay in loo baahan yahay in masuuliyadda qaataan cidda ay quseyso lana helo istaraatiijiyad dagaal iyo qorshe degsan.

”Qaladaadka jira ee sababay dhibaatada ku dhacday ciidanka qaarkiisa lagama aamusi karo, masuuliyadiisana waa in dadka ay quseeyso qaataan ama waa in ay la yimaadaan istiraatiijiyada iyo qorshe ka duwan midki hore. Geesiyaasha dhiigooda huray marna ma aqbalayno inay dayacmaan, cidna uguma heeybeeysaneeyno ina difaacno xuquuqdooda” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Sheekh Shariif ayaa codsaday in aan la marin habaabin dagaalka lagula jiro Argagaxisada, lana siyaasadayn, waxa uuna ku baaqay in si masuuliyad ah loo waajaho dagaalka oo aan lagu mashquulin waxyaabo aan waxba ka so kordhineen.

”Markale, waxaan codsanaynaa inaan la marin habaabin dagaalka lagula jiro Argagaxisada, lana siyaasadayn, si masuuliyad ahna loo waajaho oo aan lagu mashquulin waxyaabo aan waxba ka so kordhineen. Dagaal wuxuu u baahan yahay istiraatiijiyo cad, qorshe siyaasaded iyo xiriir caalami ah oo isgarab socdo, natiijadiisuna tahay dib u xoraynta dalka” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Hadalka kasoo yeeray Sheekh Shariif ayaa kusoo aadaya xilli madaxdii hore ee dalka qaarkood taageero iyo garab istaag u muujiyeen dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, waxa ayna arrintan imaaneysaa xilli dowladda ay qaaday howlfal ka dan  ah Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Puntland oo shaqo joojin ku sameysay masuuliyiin lagu eedeeyey Musuqmasuq (Akhriso)

Caydiid Ali

Wasiirka amniga Somalia oo garab maray go’aan uu horey u ansixiyey golaha Wasiirada (Akhriso)

Caydiid Ali

Dhalinyaro Soomaali ah oo loo xiray dil loo geystay Haweeney Canades ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---