Hogaamiyihii kooxda Wagner, Yevgeny Prigozhin, ayaa faahfaahin ka bixiyay hanjabaad loo jeediyay kaddib markii uu soo baxay muuqaal loo badinayo in la duubay maalmo kahor intuusan ku geeriyoon shil diyaaradeed.
“Kuwa u maleynaya inaan geeriyooday iyo in kale, waxaan u sheegayaa in aan weli noolahay oo ay wax walba caadi yihiin”, ayuu Progozhin ku yiri muuqaal aad u kooban oo la soo dhigay barta Telegramka.
Ma uusan sheegin cida u hanjabtay balse wuxuu u muuqday qof si weyn u aaminsanaa iney jirto halis ku soo wajahan noloshisa
Prigozhin iyo sagaal qof oo kale ayaa ku geeriyooday shilka diyaaradda oo dhacay 23-ki bishii Agoosto. Geeridiisa ayaa dhalisay jahwareer.
Kremlin-ka ayaa sheegay in baarayaashu ay ka fiirsanayaan suurtagalnimada in diyaaradda sidday madaxii kooxda calooshood u shaqeystayaasha Yevgeny Prigozhin si ula kac ah loo soo riday, taasoo ah qirashadii ugu horreysay oo cad oo laga yaabo in la dilay.
Diyaaradda gaarka ah ee Embraer jet ee Prigozhin ay ku socotay St Petersburg kana soo duushay Moscow ayaa ku burburtay waqooyiga Moscow 23-kii Agoosto, waxaana ku dhintay dhammaan 10-kii qof ee la socday, oo ay ku jiraan laba qof oo kale oo sarsare oo ka tirsanaa hogaanka kooxda Wagner, afartii ilaalada ee Prigozhin iyo shaqaale saddex ah.
Sababta ilaa hadda ma cadda, balse dadka tuulada ka ag dhawaa ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in ay maqleen jug ka dibna ay arkeen diyaaradda oo dhulka ku soo dhacday.
Diyaaradda ayaa burburtay laba bilood oo keliya tan iyo markii uu Prigozhin la wareegay gacan ku haynta koonfurta magaalada Rostov dabayaaqadii bishii June, taasoo ahayd gadood ruxay aasaaska Ruushka ee Madaxweyne Vladimir Putin.