Qof ismiidaamiyay oo saarnaa mooto ayaa qarax la beegsaday kolonyo ciidamada ammaanka ah oo ku sugnaa waqooyi galbeed Pakistan halkaasoo uu ku dilay ugu yaraan 9 askari, 20 kalana way ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen militariga.
Weerarka ayaa ka dhacay degmada Bannu oo ka tirsan gobolka Khyber Pakhtunkhwa oo xuduud la leh dalka Afghanistan, sida lagu sheegay bayaan ay soo saareen militariga.
Ma jirto koox sheegatay weerarkan, balse shakiga ayaa u muuqda inuu ku soo wajahan yahay Talibanta Pakistan oo sare u qaaday weerarada ka dhanka ah ciidamada ammaanka tan iyo sanadkii 2022.
Maamulka ayaa sheegay in kooxaha kacdoonka wada ay heleen goobo ay gabaad ka dhigtaan oo xitaa ay si furan ugu noolaayeen Afgaanistaan tan iyo markii ay Talibanka qabsadeen..
Bannu waxa ay ku taallaa meel u dhow goobtii ay hore ugu xooganaayeen xagjiriinta ee Waqooyiga Waziristan, taasoo saldhig u ahayd fallaagada ilaa sannado ka hor ay ciidamadu ku dhawaaqeen inay gobolka ka sifeeyeen malayshiyo shisheeye.
Weerarada mararka qaar ayaa sii socday, si kastaba ha ahaatee, taas oo sare u qaadaysa walaaca laga qabo in Taalibaan deegaanka ah, oo loo yaqaan Tehrik-e-Taliban Pakistan, ay dib isugu uruursanayaan aaggaas.
Talibanka Pakistan waa koox gooni ah laakiin xulafo la ah Talibanka Afgaanistaan, kuwaas oo la wareegay awooda Afgaanistaan 2021 iyadoo ciidamada Mareykanka iyo NATO ay ku jireen heerkii ugu dambeeyay ee bixitaankooda.