Allbanaadir.com
NEWS

Niger oo amartay in qasab looga saaro dalkaas danjiraha dowlada Faransiiska

Xukuumadda talada haysa ee Niger ayaa amar ku bixisay in Booliska dalkaasi ay qasab kaga saaraan dalkaas safiirka Faransiiska.

Hogaamiyeyaasha afgambiga sameeyay ayaa raacaya istaraatiijiyada ciidamada militariga ee ka jira dalka ay jaarka yihiin ee Mali iyo Burkina Faso si ay isaga fogeeyaan gumeystihii hore ee gobolka iyadoo ay ka muuqato naceyb ka dhan ah Faransiiska.

Dal-ku-galka safiirka Faransiiska Sylvain Itte iyo qoyskiisa ayaa la kansalay, waxaana booliiska la farayaa in ay eryaan ergayga, sida lagu sheegay bayaan ku taariikhaysan 29-ka Agoosto.

Kooxaha afgembiga sameeyay Jimcihii lasoo dhaafay ayaa ku amray danjire Itte inuu dalka kaga baxo muddo 48 saacadood gudahood ah, taasoo jawaab u ah waxa ay ugu yeereen ficillada Faransiiska ka dhanka ah danaha Niger.

Waxay sheegtay in arrimahaas ay ka mid tahay diidmada ergeyga ee ah inuu ka jawaabo martiqaad uu u fidiyay si uu ula kulmo wasiirka cusub ee arrimaha dibadda Niger.

Afgambigaas waxaa cambaareeyay maamullada Afrikaanka ah ee gobolka iyo waddamada reer galbeedka. Urur goboleedka Galbeedka Afrika ee ECOWAS ayaa cunaqabatayn ku soo rogay dalka Niger taasi oo caqabad ku noqotay gaarsiinta cuntada iyo gargaarka mid kamid ah wadamada ugu saboolsan aduunka.

Ururka ayaa sidoo kale ku hanjabay inuu faragelin militari ku sameyn doono haddii dadaallada diblumaasiyadeed ee lagu soo celinayo dimoqraadiyadda ay guuldareystaan iyadoo loo marayo wadahadal.

 

Related posts

(Sawirro) Shacab careysan oo qarka u saaran iney galaan qasriga Madaxweyne Fernandez

Caydiid Ali

Dowlada Somalia oo shaacisay dadkii ugu badnaa ee laga helay Coronavirus

Caydiid Ali

Khilaaf soo kala dhex galay Maxkamada sare & tan Racfaanka G/Banaadir (Qoraalo isburinaya)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---