Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Milateriga qabsaday xukunka dalka Gabon oo Magacaabay hogaamiye KMG ah

Dalka Gabon ayaa ku jira xaalad isbeddel ah kadib af-gambigii shalay ka dhacay dalkaasi.

Askarta xukunka sheegtay inay la wareegeen ayaa ku dhowaaqay in Jeneraalka lagu magacaabo Brice Clotaire Oligui Nguema oo ahaa madaxa Ilaalada Jamhuuriga tan iyo sannadkii 2019-ka inuu yahay hoggaamiyaha ku meelgaarka ah.

Ciidamada ayaa sheegay inay go’aan ku gaareen ina dalkaasi bog cusub furaan, sida ay soo tebisay wakaaladda wararka ee Reuters

Waxay sidoo kale isku dayeen inay dejiyaan beesha caalamka iyagoo ballanqaaday inay ixtiraamayaan dhammaan ballanqaadyada dalka oo ay ku jiraan bixinta deymaha lagu leeyahay.

Tani waxay ku soo aadeysaa iyadoo Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika uu maanta yeelanayo kulan ay uga wada hadlayaan afgambiga dhacay Arbacadii.

Telefishanka qaranka ayuu afhayeenku ka sheegay in si tartiib tartiib ah loo dhisi doono hay’adaha dawliga ah.

Hay’adaha caalamiga ah sida Midowga Afrika ayaa sugaya in ay maqlaan ilaa inta ay madaxdan militariga ahi doonayaan in ay xukunka sii hayaan ka hor inta aysan shacabka u gacan gelin.

 

Related posts

Ciidamada dowlada oo dil iyo dhaawac ka geystay Control ku yaalla Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali

Wufuud ka kala socota dowlada iyo Mucaaradka oo maanta ku wajahan Garoowe

Caydiid Ali

Tanziil Qur’an online oo Fursad qaali ah u haya Qurbojoogta Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---