Soomaaliya ayaa sheegtay in ay soo gabagabeysay shirar iyo dedaallo ay waday muddooyinkaan oo ku aaddan sidii ay ugu biiri lahayd Dallada Bulshada Bariga Afrika.
Waxaa shalay magaalada Nairobi lagu soo gabagabeyay mid ka mid ah shirarkii ugu dambeyay oo arrintaan lagu dhiraan dhirinayay isla markaana su’aalo lagu waydiinayay khuburo iyo mas’uuliyiin ka socotya Soomaaliya.
Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Aadan Xaadow ayaa tilmaamay in guddiga farsamada ee Soomaaliya iyo Urur goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika in waxyaabaha ay isku afgarteen loo gudbinayo Golaha Wasiirada ee dalalka EAC, si ay u meel mariyaan oo ugu sii gudbiyaan Madaxda Urur Gobolleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.
Mudane Xamse oo Warbaahinta kula hadlayay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegay in shirka guddiga farsamada ee ku saabsanaa ku biirista Soomaaliya Urur Gobolleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika uu ku soo dhamaaday jawi isfaham ah, isla markaana ay ku rajo weynyihiin in Soomaaliya ay ku biirto dhamaadka sanadkan dalalka EAC.
Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda mudane Xamse Xaadow “Dalkeennu waxa uu ka gudbay wajiga wada xaajoodka, waxaana fileynaa inta aan December la gaarin in Soomaaliya ay ku biirto Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika”
“Soomaaliya haddii ay ku biirto suuqa dhaqaalaha Bariga Afrika fursad weyn ayay u tahay ganacsatada Soomaaliyeed oo ganacsigooda u iib geyn karo dalalka EAC, waxaana sidoo kale ay bulshadeenu fursado u heleyaan inay si xor ah ku dhex safraan bulshada Bariga Afrika”. Ayuu Xamse Xaadow hadalkiisa ku daray.