Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Aadan Madoobe oo gudoomiyey shir looga hadlay ajendayaal muhiim ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka 30-aad guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka.

Kulanka ayaa ajandihiisu ahaa warbixinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka, ajandeynta hindise sharciyeedyada horyaala Golaha ee hada maraya akhrimaha kala duwan, habraaca wax ka bedelka dib u eegista dastuurka, Hindise sharciyeedka howlgabka iyo liiltirka shaqaalaha rayidka oo maraya akhrinta 3-aad iyo Hindise sharciyeedka qaxootiga iyo magangaliyo doonka oo maraya akhrinta 2-aad.

Warbixinta Ku-simaha Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka ee ku saabsan tababarada Guddiyadda Golaha Shacabka BJFS.

Dhanka kale Guddiga Joogtada ah ee Golaha shacabka BJFS waxaa uu boggaadiyay isla-markaana taageeray Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku sugan jiida hore ee dagaalka, waxaana ay ku dhiirageliyeen in ay sii laba jibbaaraan dadaalka lagu difaacaayo dalka.

Related posts

Heyaddii Sadexaad oo u hogaansantay go’aan dhowaan ka soo baxay Xukuumada Somalia

Caydiid Ali

Eng. Yariisow & Madax kale oo booqday dadkii ku dhaawacmay weerarkii xalay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Qalab jira in ka badan 2-Malyan oo sano oo laga helay dalka Itoobiya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---