Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Guudlaawe oo deeq xoolo ah ku wareejiyay ciidan jooga Daaru-Nimca (Sawirro)

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo wada abaabul ka dhan ah Kooxda Khawaarijta alshabaab ayaa maanta kormeeray Ciidamada Xooga Dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ee ku sugan Deegaanka Daaru-nimca

Madaxweynaha ayaa goob fagaare ah kula hadlay boqolaal Ciidanka Xoogga Dalka iyo Kuwa dib u xoreynta deegaan oo uu ku bogaadiyay guulaha ay ka gaareen cadowga khawaarijta ah ee u taagan gumaadka iyo baabi,inta Umadda Soomaaliyeed isagoo xusay inay farumaha dagaalka ay u joogaan hogaaminta dagaalka iyo dhiirigalinta Ciidanka Soomaaliyeed, waxa uuna halkaas kula kulmay Taliyaha Ciidanka xooga dalka Sareeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin, Sanater Afcadey, Wasiirkii hore ee amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur, Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida iyo Saraakiil kale oo iyana soo gaaray deegaanka Daaru-nimca.

Madaxweynaha ayaa soo indha indheeyay masaajidkii waynaa ee daaru-nimca oo ay qaraxyo ku burburiyeen kooxda khawaarijta ah isagoo tilmaamay in la joogo waqtii dhamaadka alshabaab dhowaana la ciribtiri doono.

Madaxweynaha ayaa deeq xoolaha ah ku wareejiyay Geesiyaasha Xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ee fadhigoodu yahay Daaru-nimca.

Related posts

Wasiir dhabar jebin ku sameeyey Farmaajo & dowlada Kenya oo ku fashilantay..

Caydiid Ali

Brakac Obama oo dhaliil adag usoo jeediyay Madaxweyne Donald Trump

Cabdi Cade

Ganacsatada Muqdisho keenta Qaadka Miirow oo shaqo joojin sameynaya (Sababta)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---