Allbanaadir.com
NEWS

Tiktok oo joojisay lacagihii ay siin jirtay Salwan Momika iyo ninkan oo baroor bilaabay

Barta dijitalka ee TikTok ayaa shaacisay inay joojisay Hadiyadihii Lacageed ee ay siin jirtay Ninkaas Qaxootiga Kirishtaanka Ciraaqiga ah, kaasi oo marar badan Nuqulka Musxafka Qur’aanka Kariimka ku gubay gudaha dalka Sweden.

Salwan Momika waxa uu si weyn uga macaashay Falalka xadgudubka ku ah Islaamka, iyadoo ay arrintaasi Xiisado Walaac Siyaasadeed iyo mid Amni ka abuurtay dalka Sweden.

Hadal-qoraal oo ay Shirkadda Baraha Bulshada Shiinaha ee TikTok soo saartay, oo Nuqul ka mid ah la soo gaarsiiyey Warbaahinta Raadiyaha Swedish ee (Radio Ekot) ayey ku qeexday Go’aanka ay Salwan Momika kaga joojiyeen Lacagihii ay Hadiyad ahaanta u siin jireen.

TikTok waxay xustay inay Ninkaas horey u ahaan jirey Maleeshiyo ay siin jireen Kharaj u dhexeeya 1,000 ilaa 3,000 ee Lacagta Kroner halkii Tebin Toos ah ee uu ku gubayo Musxafka Qur’aanka Kariimka.

Dhanka kale, Dembiile Salwan Momika waxa uu qiray inay TikTok ka joojisay Hadiyadihii Lacagta ee uu ka heli jirey, kadib, cadaadis uga yimid Hay’adda Adeega Ammaanka Swedish ee (The Swedish Security Service (SAPO).

Waxa uu sii raaciyey in Tallaabadaasi lagu doonayo in Isaga lagu aamusiyo iyo in looga horjoogsado Falalka xadgudubka ee uu joogtada ka dhigtay inuu ku gubo Musxafka Qur’aanka Kariimka.

Xayiraadaasi dhanka Shirkadda TikTok iyo culayska Hay’adda SAPO saartay waxay u horseeday Salwan Momika inuu soo post gareeyo Link uu kuu dawarsanayo, isagoo ka codsaday Taageerayaashiisa inay si toos ah isaga ugu soo yaboohaan Dhaqaalaha, si uu u sii wado Shaqadiisa “Gubista”, waa sida uu Hadalka u dhigay.

W/T Ustaad Nuradin Abuukar

Related posts

Midowga Musharaxiinta Mucaaradka oo labo garab u kala jabay iyo Farmaajo oo…

Cabdi Cade

Muxuu shaqada u joojiyey guddiga Dhamaystirka Sharciga Doorashooyinka Qaranka?

Caydiid Ali

Ogow Caqabadaha adag ee heesta Isticmaalka Lacagta Shilin Soomaaliga !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---