Allbanaadir.com
NEWS

Dad 100-qof ku dhaw oo ku dhintay Musiibo ka dhacday magaalada Johannesburg (Sawirro)

Dhismo dabaq ah oo kuyaalla bartamaha magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ka kacay dab xooggan, waxa uuna dabkan sababay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay 70-qof ayaa ku dhintay dabkan ka kacay dhismaha kuyaalla magaalada Johannesburg, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad kale oo ka badan 50-qof oo qaarkood dhaawacyo culus qabaan.

Waxaa socda gurmad ay fidinayaa hayádaha gurmadka magaalada Johannesburg iyo dad kale oo is-xilqaamay, waxaana laga cabsi qabaa khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ay kasii bataan inta hadda la ogyahay.

Dhismaha dabku ka kacay ayaa waxaa degnaa dad badan , waxa uuna kuyaallaa goob ganacsi oo hore u ahaan jirtay xudunta dhaqaalaha ee Koonfur Afrika, lamana oga ilaa hadda waxa sababay dabkan dhimashada badan dhaliyay.

Dadka deganaa dhismahan dhibaatada xoogeedana soo gaareen ayaa wararka qaar sheegayaan in ay ahaayeen dad dan yar ah oo u badan kuwa muhaajiriin ah oo ka kala yimid waddamo Afrikan ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shir goordhaw u furmay Wasiirada Amniga Maamul goboleedyada (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Anita Kiki Gbeho & wafdi la socday oo Muqdisho lagu soo dhoweeyey (Sawirro)

Caydiid Ali

Fiqi oo wax lala yaabo ku tilmaamay qoraal ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta DF

Caydiid Ali
Taboola Ads ---