Allbanaadir.com
NEWS

Heshiisyo afgarad ay gaareen dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo la meel mariyay

Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Dalka Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa looga hadley amniga guud ee dalka, iyada oo lagu meel-mariyey Heshiisyo is afgarad oo ay wada galeen Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya.

Heshiisyadan ay wada gaareen labada dowladood ee uu goluhu meelmariyey, ayaa la xiriira arrimaha dibedda, caafimaadka, waxbarashada, warfaafinta, dalxiiska iyo tayeynta maamullada dowliga ah.

Sidoo kale, Shirka Golaha Wasiirrada ayaa looga dhageystay warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka Wasaaradaha Gaashaadhigga iyo Amniga Gudaha oo soo bandhigay howlgalladii ugu danbeeyey ee lagu xoreynayey isla markaana lagu xasillinayey dalka.

Golaha ayaa bogaadiyey guulaha ay ciidamadu ka gaarayaan furimaha dagaalka ee cadowga lagu baacsanayo, wuxuuna goluhu hoosta ka xariiqay muhiimadda ay dalka u leedahay dabargoynta kooxda Khawaarijta ah in loo midoobo.

Related posts

Tigreyga Itoobiya oo amar adag siiyay xubnaha ugu jira Dowlada Federaalka Itoobiya

Cabdi Cade

Muxuu taliyaha ciidanka Dhulka kala hadlay Shacabka degaanka Janaale? (Sawirro)

Caydiid Ali

Prof. Dufle: “Cabista Sigaarka & Isticnmaalka Tubaakada waxaa ka dhasha khatar Caafimaad & dhimasho deg deg ah” (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---