Allbanaadir.com
NEWS

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo ka hadlay Sababta Ciidanka uga soo baxeen furumaha Dagaalka

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ayaa waxa ay isaga soo baxeen deegaannadii iyo degmooyinkii ugu dambeeyay ee Al Shabaab ka saareen, waxa ayna ciidanka dib ugu soo laabteen goobihii ay markii hore ka duullaan tageen.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Ibraahin Sheekh Muxudiin ayaa markii ugu horeysay ka hadlay sababaha keenay in ciidanka xoogga usoo banneeyaan deegaanno iyo degmooyin ay Al Shabaab kala wareegeen.

Waxa uu sheegay taliyaha in xeylad dagaal ciidamada uga soo baxeen deegaanno iyo degmooyin katirsan gobolka Galgaduud, waxa uuna ugu baaqay dadka degmada Aadan Yabaal iyo difaacyo ka qotaan duleedka degmada iskana difaacaan Al Shabaab.

“Sidaa ogtihiin ciidamadu waxay ka soo baxeen aagaggii, farsamo jirto ayey uga soo baxeen, marka dadka reer Aadan yabaal waxaa laga rabaa inay is abaabulaan oo Macawiisley ay banaanka ka difaacdo magaalada Aadan yabaal, dadka ha difaacdaan Magaaladaan indhaha ayey isku sii qabsan doontaa hadii maanta lasoo galo oo Shabaab dib ugu soo laabdaan” ayuu yiri Taliyaha ciidanka xoogga

Hadalka taliyaha ayaa waxaa ka muuqday in Al Shabaab suurto gal tahay in ay soo weeraraan degmada Aadan Yabaal oo kamid ah degmooyinkii Al Shabaab looga saaray wajigii koobaad ee howlgalka xoreynta.

Ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa maalmo kahor isaga baxay degmooyin ay kamid yihiin Ceelbuur, Ceeldheer, Galcad iyo Masagaway, waxaana ka bixitaanka ciidanka goobaha ay qabsadeen dhalisay hadal heyn badan iyo niyad jab shacabka lasoo darsay.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Rooble oo kormeeray furista jidadkii ku xirmay qalaalisihii ka dhacay Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaal xoogan oo saakay dhax maray Ciidamo kawada tirsan Dowlada

Cabdi Cade

Iska hor imaad goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---