Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qoraal uu soo saaray ku taageeray howlgalka dowladda Soomaaliya ku dooneyso in ay ku cirib-tirto dagaallamayaasha Al Shabaab.
Farmaajo ayaa sheegay in waajib tahay laga wada qeyb qaato dagaalka dowladda kula jirto kooxda Al Shabaab uu sheegay in ay nabbad iyo nololba diiday, waxa uuna xusay in waajib tahay in la garab istaago ciidanka si ay meesha uga saaraan kooxda Al Shabaab .
”Dagaalka Ciidamadda Qalabka Sida oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed ay kula jiraan kooxda argagixisada dhiig-miiratada ah ee Alshabaab, waa waajib qaran oo ay tahay in aynu ka wada qeyb-qaadanno dhamaanteen maadama uu taabanayo qarannimadeenna iyo jiritaankeenna ummadeed. Howl-galadda dalkeenna looga xoreynayo argagixisada inoo diiddan nolasha, amniga iyo horumarka waa qorshe qaran oo soo socday dhowr iyo tobonkii sano ee u danbaysay, waxaana waajib ah in la garab istaago ciidanka xoogga, si aan u xaqiijinno dalkeenna oo xor ka ah argagixisada.” ayuu yiri Farmaajo.
Madaxweyne hore Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay garab istaagaan halganka ka dhanka Al Shabaab, waxa uuna dadka ku dhiirogaliyay in ay dhisaan mooralka ciidanka , waxa uuna tacsi u diray ciidankii ku dhintay howlgalka socda.
”Waxaan ugu baaqayaa muwaadin kasta oo Soomaaliyeed in uu garab istaago halganka xoreynta dalka kana qeybqaato dhiiri-galinta iyo kor u qaadista moraalka geesiyaasha qaranka, maadaama isku duubnida ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay fure u tahay guulaha dagaalka lagula jiro argagixisada. Alle ha u naxariisto halyeeyada naftooda u horey in dalkeenna ay ka xoreeyaan argagixisada, halyeeyada kale ee dhaawacyadu ka soo gaareenna waxaan Allaah uga baryayaa caafimaad iyo kabasho degdeg ah” Ayuu Yiri Farmaajo.
Hadalkan dhiirogelinta iyo taageerada ee kasoo yeeray madaxweyne hore Farmaajo ayaa imaanaya xilli ay soo baxayeen warar sheegaya in siyaasiyiin ka shaqeenayaan fashilinta howlgalka iyo niyad jabinta ciidanka Qaranka ee dagaalka kula jira Al Shabaab