Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Farmaajo iyo Shiikh Shariif oo kulamo xasaasi ah ku yeeshay Magaalada Ankara

Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay oo ilo wareedyo muhiim ah laga helay magaalada Ankara waxaa kulan uu ku dhex maray Madaxweyneyaashii hore ee Somalia Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Kulankan oo uu dalbaday Farmaajo ayaa ujeedadiisu ahayd in Madaxweyne Farmaajo cafis ka dalbado Madaxweyne Shariif, gaar ahaan dhacdooyinkii dhacay mudaddii uu xukunka hayay Farmaajo sida weerarkii Hotel Maa’idda iyo xanibaaddii diyaaradaha.

Labada Madaxweyne ee hore ayaa labo jeer is arkay, kulanka hore ayay keli ku ahaayeen, halka kulanka labaad uu Farmaajo la socday Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin.

Wararka ayaa intaa ku daraya in labada dhinac ay ka wada hadleen xaalada siyaasadeed ee dalka, iyadoo Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ay muddaba raadinayeen siyaasi ku beel ah Xassan Shiikh oo ay ku dagaal galaan.

Lama oga in kulanka labada dhinac uu ku koobnaa raali gelin iyo iney ku sameysteen isbaheysi siyaasadeed oo mucaaradsan dowlada Madaxweyne Xassan Shiikh.

Waxaa kulankooda ku soo aadayaa, iyadoo dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh ay dagaal xooggan kula jirto Argagixisada.

Related posts

Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo gaaray magaalada Baydhabo (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Dibed-baxyo ka dhan Netanyahu oo hareeyey Israel (Sawirro)

Caydiid Ali

Ma Ra’isul Xasan Cali Kheyre ayaa lagu badalayaa Ex Ra’isul Cali Maxamed Geedi?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---